War Deg Deg Ah:-Maamulka Puntland oo mamnuucday ka Ganacsiga Hubka Iyo Agabka Ciidanka.

0
Monday April 15, 2019 - 11:19:56 in by salman abdi
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Maamulka Puntland oo mamnuucday ka Ganacsiga Hubka Iyo Agabka Ciidanka.

    War Deg Deg Ah:-Maamulka Puntland oo mamnuucday ka Ganacsiga Hubka Iyo Agabka Ciidanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Maamulka Puntland oo mamnuucday ka Ganacsiga Hubka Iyo Agabka Ciidanka.

Puntland ayaa joojisay ka ganacsiga hubka iyo agabka ciidammada,iyadoo digreeto ka soo baxday wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Gallan lagu sheegay in si loo sugo amniga dadka iyo dalka ay muhiim tahay mamnuucista soo dajinta,dhoofinta iyo ganacsiga hubka iyo agabka ciidanka.

 
Mas'uuliyiinta gobollada , degmooyinka iyo taliyaasha ciidammada ayaa la faray inay dhaqangaliyaan go'aanka oo inta ku daraya in garoommada diyaaradaha iyo dekedda lagala soo degi karin hubka iyo agabka ciidammada.

Sidoo kale, waxaa laga mamnuucay garoommada diyaaradaha iyo dekedda inan lala galo gaadiidku hubka saaranyahay , go'aanka oo horay uga soo baxay xafiiska madaxweynaha , balse wasaaradda amniga ayaa soo saartay digreeto lagu amba qaadayo fulinta amarkii hore uga soo baxay madaxweynaha.