WAXAA GUBAYA LAABTAYDA IYO GOBODA AAN DIIDAY.Gabay ay tirisay Laki Cooraaf Qaybtii 1.AAD

0
Wednesday October 08, 2014 - 11:21:33 in by salman abdi
  • Visits: 1436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXAA GUBAYA LAABTAYDA IYO GOBODA AAN DIIDAY.Gabay ay tirisay Laki Cooraaf Qaybtii 1.AAD

    Gabaygan Waxa Dhowaan tirisay Weriye Laki Cooraaf oo joogta Burco waxanu ku bilaabmaya sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygan Waxa Dhowaan tirisay Weriye Laki Cooraaf oo joogta Burco waxanu ku bilaabmaya sidan: 1)In kastonan gabayaa ahayn gala amuurtoo dhan 

2) in kastoonan geli karin geyiga waxa gubaayoo dhan 

3) in kastoon ka gaabsado wixii gadaya diintayda 

4) gami waayay jiifkoo gasiin waan ka haajiraye

5) geli waayay gurigoo gawaar baan dhec kuududaye


6) waxaa gubaya laabtayda iyo goboda aan diiday


7) bal aan soo gudbiyo guushu waa guule dhiniciise


8) gaaladan gabraartee dhulkii diinta kala goysay


9) goor kasataba gantaalahan dhacee geesi lagu toogtay


10) gabana la laayiyo geyigan waalid lagu ceejay


11) gabdhihiyo cariurtiyo guryaha gaalku duminaayo


12) guud ahaan islaamkeer sidii geela hoganaaya

13) barqabadan gabraaree mid guba gaalka laga waayay

14)carabteer genbiyaneed sidii koob genbiyan moodo


15 iyo guud ahaan meel kastaba geesiyada ciilan

16) alla maxaan sidii aar la ganay goor kastaba goohay

17) alla maxaan gocondho iyo jiidhhay geed qodax leh

18) go.i waayay oo waanigaa guuxay sida aare

19) allahyoow adaa guusha garan goorta ay imane

20) allahyoow adaa goor kastaba gaalka dabar goyne

21) guuloow adaan lagu ogaynn goorta aad gubiye

22) doofarkan gaalkee arlada gelinba meel jooga

23) guuloow adaa daayine goy jiridihiisa

24) guuloow islaamkana ka yeel geed la jari waayo

25) guuloow gamcaha hoorsadee gaalka cidhib goy bal

26) guuloow geyiga nooga saar gaalka shuftiisa

27) guuloow adaa caadile gacan na sii maanta

28) guuloow gazana sii awood gaalku ku idlaado

29) guuloow islaammka u gargaar goor iyo alaylba

30 oo gaalka cidhibtiisa goy caadil baad tahye


Waa Gabay ay tirisay Laki Cooraaf Qaybtii 1.AAD

Burco Somaliland



**************************************************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com Masuul kama aha wixii dhaliil iyo toosin ah ee uu maqaalkani ama Gabaygani xambaarsanyahay keliya waxay dhiirigelinaysa is dhaafsiga fikirka , talo wadaaga iyo wax isu sheega, balse qoraaga ku qoran qormadan aya xumaanteeda iyo xilkeedaba iska leh