Nuxurka Kulan Dhexmaray Masuuliyiinta Xukuumada Ugu Jira Beelaha Bariga Burco Iyo Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-Jeclo Oo Natiijo La,aan Ku Dhamaaday

0
Friday June 14, 2019 - 14:19:48 in by salman abdi
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Dhexmaray Masuuliyiinta Xukuumada Ugu Jira Beelaha Bariga Burco Iyo Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-Jeclo Oo Natiijo La,aan Ku Dhamaaday

    Nuxurka Kulan Dhexmaray Masuuliyiinta Xukuumada Ugu Jira Beelaha Bariga Burco Iyo Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-Jeclo Oo Natiijo La,aan Ku Dhamaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan Dhexmaray Masuuliyiinta Xukuumada Ugu Jira Beelaha Bariga Burco Iyo Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-Jeclo Oo Natiijo La,aan Ku Dhamaaday
Shir Doceedyo Maalmihii U Danbeeyey U Socday Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Jira Beelaha Beelaha Bariga Iyo Madaxdhaqameedka Beelahaasi Ayaa Kusoo Idlaaday Natiijo La,aan.
 
 
 
Shirkan Oo Socday Mudo Laba Cisho Ah Ayaa Lagu Kala Kacay Kadib Markii Madaxdhaqameedku Ku Gacan Saydheen Qorshe Ay Wateen Masuuliyiinta Ka Socday Xukuumadu Kaas Oo Ahaa In Shirka Ay Gogoshiisa Dhigeen Madaxdhaqameedka Beelaha Bariga Ee Qabsanayaan Beelaha Galbeedka Iyo Bariga Burco La Joojiyo.

 

 
 
Madax-dhaqameedkan Oo Uu Hogaaminaayey Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Ayaa Xubnahan Ka Socday Xukuumada U Sheegay In Shirkaasi Dhacaayo Isla Markaana Aanu Ahayn Shir Lagaga Hadlaayo Wax Siyaasada, Islamarkaana Labada Beelood Iskaga Laab Xaadhayaan Xanaftii Ay Reebtay Doorashadii Madaxtooyada Ee Dalka Ka Dhacday Iyo Sidoo Layskaga Kaashan Lahaa Horumarka Deegaanada Ay Wada Degaan Labadan Beelod.

 
 
Masuuliyiintii Ka Socday Dhanka Xukuumada Ayaa Arinkaasi Ku Noqday Laf-dhuun Gashay Waxaanay Shirka Kaga Huleelen Natiijo La’aan, Masuuliyiinta Ka Socday Xukuumada Ee Shirkaasi Ka Qayb Galay Ayaa Kala Ahaa , Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Xasan Gaafadhi, Wasiirka Shaqo Gelinta Iyo Arimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi Gaani ,Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan ,Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal , Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta C/naasir Cumar Jaamac ,Gudoomiyaha Haayada Barakacayaasha Qaranka Cabdikariin Axmed Xinif ,Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed .

 
 
 
 
Madax-dhaqameedka Shirkani Goob Jooga Ka Ahaa Ee Ku Gacansaydhay Qorshii Ay Wateen Xubnahani Wasiirada Ah Ee Kalanka La Yeeshay Ayaa Iyana Waxay Kala Ahaayen.
 
Suldaan Guud Ee Beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali ,Suldaan Maxamuud Guuleed Mire ,Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen ,Suldaan Cabdiraxmaan Qodax ,Suldaan Yuusuf Cabdi Cawed ,Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale , Suldaan C/raxmaan Abyan , Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe , Suldaan Mustafe Maxamed Aadan, Boqor Maxamuud Cali Carab Iyo Ugaas Maxamuud Axmed Xirsi.