Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo heshiis la gaaray dowladda Soomaaliya

0
Saturday June 22, 2019 - 13:06:48 in by salman abdi
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo heshiis la gaaray dowladda Soomaaliya

    Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo heshiis la gaaray dowladda Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo heshiis la gaaray dowladda Soomaaliya
Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ayaa dowladda Soomaaliya la gaaray heshiis ay dib ugu soo laabanayaan dalka, muddo soddon sanno kaddib, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee SONNA.

Wasiir ku-xugeenka Macdanta Iyo Batroolka Maxamud Abdikadir Hilaal ayaa u xaqiijiyay wakaaladda heshiiska shirkadaha shidaalka iyo dowladda Soomaaliya,waxaana munaasabad heshiiska lagu saxiixayo lagu qabtay magaalada The Hague ee dalka Netherlands oo xarun u ah shirkadda Shell.

 

Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruufā€¯ ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka oo inta ku daray in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya. Waxaa kalo uu xaqiijiyay shirkadahan inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamman xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka.

Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ayaa ka mid ah shirkadaha ugu weyn caalamka ee lagu tixgiliyo arrimaha shidaalka, iyadoo horey shirkadda Shell ay xiriir wanagsan la lahayd Soomaaliya ka hor burburkii dowladdii dhexe.

Heshiiska waxaa kalo uu ku soo aadday iyada oo dhowaan dowladda Soomaaliya ay billowday dadaallo shirkadaha caalamka loogu soo bandhigayo shidaalka Soomaaliya.