Dalka galbis iyo sacabo tumis laguma helin ee waxa loosoo maray dacar qadhaadh...

0
Tuesday March 04, 2014 - 19:38:34 in by Super Admin
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka galbis iyo sacabo tumis laguma helin ee waxa loosoo maray dacar qadhaadh...

    Xukuumadihii hore ee soo maray somaliland waxay ahaayeen kuwo deeqsiyiin ah oo dadka wax siiya,Xukuumadan maanta waa mid wax qabad markaa cuno iyo wax qabad waa iyama?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadihii hore ee soo maray somaliland waxay ahaayeen kuwo deeqsiyiin ah oo dadka wax siiya,Xukuumadan maanta waa mid wax qabad markaa cuno iyo wax qabad waa iyama? Dalka galbis iyo sacabo tumis laguma helin ee waxa loosoo maray dacar qadhaadh...

Xukuumadihii hore ee soo maray somaliland waxay ahaayeen kuwo deeqsiyiin ah oo dadka wax siiya,Xukuumadan maanta waa mid wax qabad markaa cuno iyo wax qabad waa iyama?

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa calooli kayd ma leh.Markaan u daadego maqaalkaygan waxa jira Buuq badan oo ka baxaya dadka qaarkood,Buuqaasi maaha Buuq qadiyadeed ama toosineed ama dadn ka hadlaya balse waa Buuq Hunguri.Xukuumadan uu hogaaminayo madaxwayne Axmed  Siilaanyo maalintii ay talada la wareegtay waxay la wareegtay qasnado madhan,xafiis la,aan iyo dhamaan kaabayaashii dhaqaale oo meel kasta ka maqan,madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale waxa uu ahaa madaxwayne wanaagsan oo qaran kaas oo dadka u fuliya waxay doonayaan,Xukuumadaasi may ahayn xul waxay ahayd xal,waayo wasiirada waxaa keeni jiray salaadiin,cuqaal iyo oday dhaqameedo,waxaanay keeni jireen shaqsi ku camal beela beesha  dhexdeeda,ninkaasi ma garanaayo xil loo magacaabay iyo xafiiskiisa waxa ka jira,waxa intaas dheerayd odoyaal qoran jiray baahiyo kal gadisan oo la siinjiray lacag jeebabkooda ku dhacda,dad iyo dal midna aan wax u qabanayn,kuwaasi waa kuwa hada ugu qaylada badan.nimankii wasiirada ahaa waxaa loogu yimi xafiisyo madhan oo aan kursi oolin, ninka sidaas ahaa maxaa uu ka hadlyaa dee hadal uma yaalo,waxa la yidhi ninbaa geel ugu heesay(nin dhuunuu kuugu dhaadhacay nin dhaqashuu kuugu dhabar jabay) saaxibayaal wax lagu mucaaradaa ma jiraan dhaliilina ma taalo ee waxaa yaala wax qabad,waxa idiin yaala ka shaqaysta gurgiina horumarkan ha diidini waa inaad taageertaan,hadii kale sama diidow dabin baa kuu xidhan.waxaynu ognahay dalka inaan lagu helin gelbis iyo sacab tumis ee loosoo maray dacar qadhaadh,dadkuna laba ayuu ahaa dad qadiyad leh iyo kuwo aan qadiyad lahayn,1988 kii dadkii qaxay lahaayeen qadiyad,gaajadu waxay ahayd qadiyad dhaxantu waxay ahayd qadiyad,oy la,aantu waxay ahayd qadiyad,injirtu waxay ahayd qadiyad,dagaalku waxa uu ahaa qadiyad,dadkaasi maanta ma qaylinayaan waayo waxay ahaayeen waayo arag ujeedadoodiina way gaadheen oo ahayd xoriyad waanay ku qanacsanyihiin dalkooda iyo dadkooda,kuwii wakhtigaas wadada xamar raacay ee haybta kale sheegtay qadiyada wadanka waxay u haystaan riwaayad,markaas waaxaan leeyahay caqliga saliimka ahi ha shaqeeyo oo yaanu shaqayn ka bukaa,waayo wax la diidaa ma yaaliin oo xukuumada maanta waa xukuumadii halganka,waa xukuumadii wax qabadka,wa xukuumadii xulka ee maaha tii xalka,madaxwaynaha Jsl mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa ninkii u dhididay waa ninkii u dhaxmooday waa ninkii ugu taariikhda dheeraa,waa madaxwaynihii lexejeclada ee maaha kii dhaqaale doonka,waxaad arkaysaan sida xukuumadiisu u tahay xulka wasiir waliba u leeyaay khibrad uu ku maamulo dadka iyo dalka balaadhan waxaad arkaysaan sida xukuumadiisu isugu xidhantahay ee ay wasiiradiisu isugu xidhanyihiin,waxaad arkaysaan dakhliga iyo miisaaniyada iyo kobaca dhaqaale ee u soo xerooda dalkeena,waxa aynu arkaynaa kaabayaasha kala duwan ee la qabayo sida wadooyinka kasocda dalka,sida wadada dawga cad,wadada wajaale,kalbaydh,gabilay ilaa hargaysa,wadada hargaysa_salaxlay,wadada_oodwayne ilaa burco,wadooyinka lagu jarjaray caasimada dhexdeeda,Berbera,ta Boorame  ee caalamiga,Burco maya wadada dheer ee ceerigaabo iyo kuwa la dhagax dhigay wadaamagoo iyo buuhoodle,markaas horumarka waala hayaa,dadka la hadlayaa waa dadkii lahaa labada magac,hadaad tidhaadeen waa burbur ma hayno,hadaad tidaahdeen wax qabad ma jiro indhaha kala qaada,hadaad wax qabadka arki waydaan hadhaw yaa kuu sheegi in wax la qabtay,walee ni urdaw alwday dantaa sidaad ku heshaana waa hawl,wax qabadka ay ku talaabsatay xukuumadu waxaa ka baqay dawladihhii soo maray Somaliland sida,Masar,Turki,Ingiriis.Aadan cad,C/rashiid Cali sharmaarke,Maxmed Siyaad Bare,C/raxmaan Tuur,Maxamed Ibraahin Cigaal,Daahir Rayaale,waxaa si geesinimo leh ugu badheedhay xukuumada maanta talada haysa ee madaxwayne Siilaanyo,Markaas waxaan leeyahay Mucaarad ma jiro,wax qabad ayaa la hayaa,yaanbada,mandaraqa,manjarafadaha,iyo qalinka hala qaato oo wixii aan dani inoogu jirin hala daafo,markaas raga mucaaridka sheeganayaw hadaad wax qabadka arki waydeen hadhawna doorasada arki maysaan,waayo qalbigii saliima ayaa wanaaga arka.


Xuseen Aadan Caraale(Xuseen Jiib)
Burco  tell: 4310738