Fannaankii Weynaa ee Cabdillaahi Wigic Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
Friday October 17, 2014 - 14:57:40 in by salman abdi
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Fannaankii Weynaa ee Cabdillaahi Wigic Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

    Alle ha u naxariiste Fanaankii weyna ee Cabdilaahi Axmed Xirsi (Cabdilaahi Wigic) ayaa lagu aasay Magaalada Hargeysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariiste Fanaankii weyna ee Cabdilaahi Axmed Xirsi (Cabdilaahi Wigic) ayaa lagu aasay Magaalada Hargeysa,

kadib markii uu maanta ku geeriyooday aqalkiisa oo ku yaala Xaafadda Axmed Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.

Marxuum Cabdilaaahi Wigic waxa uu ahaa Mullaxan, Heesa aad u cod macaan iyo Weliba Abwaan curiya midhaha Heesaha, ayaa geeriyooday.


Marxuum Cabdilaahi Axmed Xirsi (Wigic), waxa uu markii u horaysay fanka ku soo biiray sannadihii todobaatameeyadii, xilligaas oo uu fannaanku uu ka soo kicitimay dalka Jibouti, waxaanu markii u horaysay ku soo shaac baxay tartankii heesaha Hirgalay ee la qabtay sannadahaa Todobaatannadkii, waxaanu Fannaanku ka mid ahaa kooxdii fanka ee caanka ahayd ee Hobaladda Waabari, isaga oo immikana ka mid ahaa kooxda fanka ee ciidamadda booliska ee Somaliland ee Goodir.

ILAAHAY Ha U Naxariisto Marxuumka