Xamarji oo kulamo Siyaasadeed oo Qarsoodi ah ka bilabay Hargeysa iyo Masuliyintii Xilalka ka so qabtay Xukumadda Siilanyo oo kulan gaar ah yeshay

0
Saturday October 18, 2014 - 16:19:24 in by salman abdi
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamarji oo kulamo Siyaasadeed oo Qarsoodi ah ka bilabay Hargeysa iyo Masuliyintii Xilalka ka so qabtay Xukumadda Siilanyo oo kulan gaar ah yeshay

    Siyaasiyiin magac iyo miisaan bulshada ku dhex leh oo ah masuuliyiin xilal ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo balse is casilay qaarkoodna xilalka laga qaaday ayaa isugu yimid kulan muhiim ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin magac iyo miisaan bulshada ku dhex leh oo ah masuuliyiin xilal ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo balse is casilay qaarkoodna xilalka laga qaaday ayaa isugu yimid kulan muhiim ah.


Kulankan oo ahaa kulan qado ah oo khamiistii ku qabsoomay magaalada Hargeysa,  islamarkaana aan saxaafadda loo ogolayn, ayaa waxa soo qaban qaabiyay badhasaabkii hore ee gobalka Togdheer Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo isagu xilkaas iska casilay iyo agaasimihii wasaaradda dib u dejinta ee hore Axmed Cilmi-yare.

Siyaasiyiinta kulanka ka qayb galay oo dhammaantood ahaa masuuliyiin xilal ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sida wasiiro hore, badhaasaabo hore, agaasimayaal hore, ayaa waxa ka mid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), wasiirkii maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee dib u dejinta Md. Cabdirisaaq Cali Cismaan, Wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-xoog), agaasimihii hore ee wershada korontada Hargeysa Md. Weli Axmed Xaawa, Badhasaabkii hore ee gobalka Togdheer Md. Jamaal Xuseen Hure, badhasaabkii hore ee Gobalka Gabiley Md. Yuusuf Ibrahim Yabaarug iyo xubno kale.

Sida ay ilo xogogaali sheegeen, waxa ay masuuliyiintani kulankaas kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee uu dalku galay iyo aragtiyaha ay ka qabaan.

Masuuliyiinta martiqaadka fidiyay ayaa la sheegay inay tilmaameen in ujeedada kulankoodu tahay sidii la isu xog waraysan lahaa maadaama oo ay xubno ka yihiin xisbiga KULMIYE balse aanay wakhtigan ka dhex muuqan saaxadda.

Ugu dambayn waxa kulanka lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo soo ururiya arrimaha laga wada hadlay iyo halka ay uga sii gudbayaan kulankooda labaad.

Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee qabsooma, waxaanu dareen ku soo kordhiyay saaxadda siyaasadeed ee dalka, waxaanay dadka siyaasadda xiiseeya si weyn isha ugu hayaan kulankas kowsaday iyo halka uu sal dhigan doono.




Xigasho:Geeska Africa