Sacuudiga oo Soomaaliya gacan ka siinaya hormarinta iyo ballaarinta Tacliinta Sare

0
Thursday October 03, 2019 - 10:26:16 in by salman abdi
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo Soomaaliya gacan ka siinaya hormarinta iyo ballaarinta Tacliinta Sare

    Sacuudiga oo Soomaaliya gacan ka siinaya hormarinta iyo ballaarinta Tacliinta Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacuudiga oo Soomaaliya gacan ka siinaya hormarinta iyo ballaarinta Tacliinta Sare

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee magaalada Paris ee dalka France kullan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre).

 

 

 

Kullanka ayaa intii uu socday waxa ay labada masuul uga wada hadleen sidii Sacuudigu uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kullan kaani uu ahaa mid muhiim ah islamarkan kullan kan lamid ah uu ka dhici doono Soomaaliya.

"Waxaan xaruunta UNESCO ee magaalada Paris (France) kullan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre), Waxaan ka wada hadalnay sidii sanduuqan uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya”. sidaas waxaa yiri Wasiir Goodax Barre.