Daawo:-Ilhan Omar oo dacwad furiin ah ka gudbisay Seygeeda Axmed Xirsi+Sababta Ka Danbaysa.
Ilhan Omar oo ah Gabar Asalkeedu Somalia yahay oo ka tirsan Aqalka Looga arrimiyo dalka Mareykanka ee[ Congress-ka] ayaa dacwad furiin oo ka dhan ah Seygeeda Axmed Xirsi u gudbisay Maxkamad ku taala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
"Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn," sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ilhaan Omar xiriir uu kala dhaxeeyo Nin lagu magacaaboTimothy MynettOlolaheedii doorasho ee ka mid noqoshada Congress-ka Mareykanka.
Ilhaan 37 ah iyo Ninka ay kala tagayaan Axmed Xirsi ayaa isku dhalay Saddex Carruur ah, iyaga oo is guursaday sanadkii 2002da, hasse ahaatee waxaa la sheegay in ay mar ay kala taggeen guurkoodii hore kaddib, balse dib isugu soo laabteen sanadkii 2018ka.
Warkan ku saabsan khilaafka lamaanahan oo bilihii ugu danbeeyayba siweyn loo hadal hayay ayaa u muuqda mid hadda soo dhamaaday kaddib markii ay Ilhan Omar ugu danbeyntii dalbatay kala tagga Ninkeeda Axmed Xirsi.
Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.
Daawo:-Ilhan Omar oo dacwad furiin ah ka gudbisay Seygeeda Axmed Xirsi+Sababta Ka Danbaysa.
Daawo:-Ilhan Omar oo dacwad furiin ah ka gudbisay Seygeeda Axmed Xirsi+Sababta Ka Danbaysa.