"Diyaar ayaan u ahay in aan la hadlo cid kasta oo wax tirsaneysa"Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal lagu xalinayo wax kasta oo la kala tirsanayo.
"Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax naga tabanaysa miiska wada hadalkaan ku kala baxaynaa iyo sharciga”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Federaalka ay tahay hooyada Federaalka ee dalka, isla markaan aloo baahan yahay wixii qalad ah ay saxdo, wixii wanaag iyo sharci ahna la isugu yimaado, dadkana isu keento.
"Waxaan rabnaa wadanka dowladda iyada ayaa xukunta annaga khilaaf ma wadno hoggamintooda ayaan rabnaa xumaan ma wadno, waxaana diyaar u nahay wax kasta oo lagu xalin karo khilaafka gudaha iyo kan dibada”ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.
Maamulka Jubbaland ayaa weli wajahaya culeysyo uga imaanaya dhanka dowladda Federaalka, kaddib markii dhowaan Xukuumadda ay sheegtay in aanay aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday Kismaayo.
Dowladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in aysan aqoonsaneyn dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe ayaan wali ka hadal baaqyadan is daba jooga ah ee ka imanaya madaxweynaha Jubbaland.
"Diyaar ayaan u ahay in aan la hadlo cid kasta oo wax tirsaneysa"Axmed Madoobe.
"Diyaar ayaan u ahay in aan la hadlo cid kasta oo wax tirsaneysa"Axmed Madoobe.