Xildhibaan Iftiimiyey Sababah Guurtidu u soo celisay Xeerkii Diiwangelinta iyo Xildhibano Dacwad xeerkii Diwaangalinta ka dhan ah u gudbiyey Guurtida

0
Wednesday October 22, 2014 - 15:20:18 in by salman abdi
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Iftiimiyey Sababah Guurtidu u soo celisay Xeerkii Diiwangelinta iyo Xildhibano Dacwad xeerkii Diwaangalinta ka dhan ah u gudbiyey Guurtida

    "Dhawr iyo afartan Xildhibaan iyo Xukumaddu waxay ku heshiin waayeen barlamaanow idinku naga hor gala doorashada iyo ha la ino wada kordhiyo, markaa...."Xildh-Sicid Cilmi Rooble

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhawr iyo afartan Xildhibaan iyo Xukumaddu waxay ku heshiin waayeen barlamaanow idinku naga hor gala doorashada iyo ha la ino wada kordhiyo, markaa...."Xildh-Sicid Cilmi Rooble

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo ka tirsan Xildhibanada Xisbiga Kulmiye ugu jira golaha wakiilada haddana ka oo horjeeda siyaasadiisa ayaa iftiimiyay sabab uu sheegay in Xildhibaano Golaha wakiilada ka tirsani Dacwad xeerkii Diwaangalinta ka dhan ah ugu gudbiyeen Guurtida taas oo sababtay in Guurtidu xeerka hakiso, waxa uu sheegay in Khilaaf Xukumadda iyo Xildhibaanada Kulmiye kale dhex galay ka dib ay Xildhibaanadu u tafo xayteen sidii ay Xukumadda u qancin lahaayeen si xidhiidhkoodu u wanaagsanaado

"Dhawr iyo afartan Xildhibaan iyo Xukumaddu waxay wada hadlayeen muddo,waxaa lagu wada hadlayay Inoo wada kordhiya. Xukumaddu waxay leedahay mayee la inoo wada kordhin maayee, idinku 10 sano ayaad joogteena idinku naga hor gala Doorashada,mayee ha la inoo wada kordhiyo haddii kalena jiq baynu isku siinaynaa ayay xildhibaanaduna leeyihiin.

Anagu intaas waanu daawanaynay, anagu mar walba waxaanu lahayn labaduba ha idin wada dhaafaan, Nimankan iyaguun wada hadlaya ee qaraabada ah ee isku shushubtay ee qarankan iyo baabi’iisa aan ka fikirayni ha idin wada dhaafaan oo hal mar hala wada qabto ayuu go’aankayagu ahaa” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaanku waxa uu intaasi raaciyay in Xildhibaanada Kulmiye iyo Xukumadda oo arinta mudo kordhinka ku heshiin waayay ay ku soo noqdeen "Nimankii markay soo heshiin waayeen iyagoo Ordaya ayay daf noo soo yidhaahdeen, waxay yidhaahdeen Xukumaddii heshiin weynay oo waxay yidhaahdeen Goluhu ha inaga horeeyay,markaa Mar baynu ka wada dhigaynaa, waayahay baanu ku nidhi, dabadeedna Illaahay baa sikhiray oo gacantaa loo wada taagay in Doorashada Maddaxtooyada iyo Wakiilada mar la wada qabto oo 64 baa gacanta taagay ooh al Nin baa diiday.

Nimankii haddana Madaxtooyada ayay isku shubeen oo yidhaahdeen Waxaanu soo ansixinay in mar la wada qabto labada doorasho.Nimankii Xukumadda Anfariir bay arintii ku noqotay oo Indhaha ayay Nimankii kaga dhacday waxaana halkaas ku go’ay Xidhiidhkii dabadeedna waxay Xildhibaanadii yidhaahdeen waar Khalad baynu galaye sidee baynu u saxnaa oo Qiil bay raadiyeen.”

Dhanka kalena waxa uu Siciid Cilmi Rooble sheegay saddex qodob oo Gudoomiyaha Guurtidu ku khaldamay markii hakinayay Xeerka Diwaangalinta "Saddex khalad ayuu galay Gudoomiyaha Guurtidu, koow Gudoomiye Sharci ah baa u gudbiyay Sharci, halkii uu wax maqlay isagoo aan talaabo qaadin bay ahayd inuu gudoomiyaha u yeedho oo wax ka waydiiyo; laba wuxuu Xildhibaanada Wakiilada ee Cabashada u gudbiyay odhan waayay wixii aad sheegaysaan Golihiinaad ku soo dhamaysan lahaydeene kaygan ha galina;saddex waxay ahayd in Golaha uu fadhiisiyo oo laga doodo oo gudoomiyuhu kaligii awood ma leh uu waxna ku celiyo waxna ku ogolaado” ayu yidhi



Contact@afkashacabka.com