Mudo Ka Dib Xukuumad Somalia Oo Shacabka Ka U Soo Bandhigtay Qorshe Siyaasadeed Iyo Waxa uu Daaran Yahay.

0
Friday November 29, 2019 - 13:34:16 in by salman abdi
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudo Ka Dib Xukuumad Somalia Oo Shacabka Ka U Soo Bandhigtay Qorshe Siyaasadeed Iyo Waxa uu Daaran Yahay.

    Mudo Ka Dib Xukuumad Somalia Oo Shacabka Ka U Soo Bandhigtay Qorshe Siyaasadeed Iyo Waxa uu Daaran Yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo Ka Dib Xukuumad Somalia Oo Shacabka Ka U Soo Bandhigtay Qorshe Siyaasadeed Iyo Waxa uu Daaran Yahay.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Isgaarsiinta ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu dalku yeesho.


Siyaasaddan ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero sidii loo xaqiijin lahaa yoolasha ugu waaweyn ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, tubaha qaranka iyo Hiigsiga Fog ee Xukuumadda ee ah sidii Teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaa sidoo kale istiraatiijiyadan ay xoojineysaa sidii wada-shaqeyn iyo isku-xirnaan ay u yeelan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

 

 

Qeybaha ugu waaweyn ee ay Siyaasaddu xoogga saareyso shanta sano ee soo socota waxaa ka mid ah kordhinta helitaan internet tayo leh oo qiime jaban; dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta; ilaalinta xogta macaamiisha; bixinta adeegyada dadweynaha ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha (e-government, e-health, e-business, e-agriculture and e-education), dhismaha hannaanka dhaqaalaha ku saleysan internetka, iyo sidii loo abuuri lahaa xog badan oo afkeena ku qoran oo laga heli karo internet-ka.

Isagoo u warramayay warbaahinta ka dib ansixinta, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyeyaasha kala duwan ee siyaasaddan.

Dalkeena ayaa leh mid ka mid ah isgaarsiinta ugu casrisan qaaraddan Afrika, hase yeeshee waxay ku shaqeyn jireen suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad. Hase yeeshee, saddexdii sano ee la soo dhaafay waxay Wasaaraddu waqti badan galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha. "Hadda waxaan leenahay sharci, hay’ad isgaarsiineed, iyo siyaasad qaran…taas waxay micnaheedu tahay inaan leenahay nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu sii horumarin lahaa, isla markaana ay ku soo jiidan karaan maalgashi dheeri ah,” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan; wasaaradaha isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah.

Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo shirka guddoominayay ayaa ugu baaqay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladeed, shirkadaha ganacsiga, iyo hay’adaha ka shaqeeya horumarinta inay gacan ka geystaan fulinta siyaasaddan, iyadoo hawlahooda dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada ku saleynaya siyaasaddan.