Khasaare Dhimasho oo ka dhashay rasaas ciidamada AMISOM ay ku fureen dad dibadbaxayaal ah degmada Buula-burte

0
Tuesday December 03, 2019 - 13:13:30 in by salman abdi
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaare Dhimasho oo ka dhashay rasaas ciidamada AMISOM ay ku fureen dad dibadbaxayaal ah degmada Buula-burte

    Khasaare Dhimasho oo ka dhashay rasaas ciidamada AMISOM ay ku fureen dad dibadbaxayaal ah degmada Buula-burte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare Dhimasho oo ka dhashay rasaas ciidamada AMISOM ay ku fureen dad dibadbaxayaal ah degmada Buula-burte

Inta la xaqiijinayo hal qof ayaa ku dhintay labo ruux kalana waxaa ay ku dhaawacmeen rasaas ciidamada AMISOM ay ku fureen dad dibadbaxayaal ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

 

 

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dad dibaxayaal oo siweyn ugu soo dhawaaday saldhiga ay ka degan yihiin degmada kuwaa oo dhagaxaan iyo walxo kale ku tuurayay xeryaha ciidamada ay degan yihiin sida uu Hiiraan Online u sheegay qof ku sugan degmada.

 

 

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa degmada,waxaana banaanbaxayaasha ay xireen wadooyinka waaweyn ee degmada,iyada oo dhamaanba ay xiran yihiin goobihii ganacsiga,

Dadka ku dhaqan degmada ayaa siweyn uga soo horjeeda maamulka Hirshabeelle oo ay ku eedeeynayaa iska horkeen bulsho, waxaana ay diidan yihiin qorshe Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle uu ku tagi lahaa degmada

Maamulka Hirshabeelle wali kama uusan hadlin xaalada degmada iyo dibadbaxan khasaaraha sababay iyo eedeymaha loo soo jeedinayo intaba.