Hoos Ka Akhriso:10 Bilyaneer Oo Kusoo Koray Nolol Fiqiira Oo Waliba Aad U Xad-dhaaf Ah Iyo Sidii Ay Hantida Ku Tacbadeen.

0
Thursday March 06, 2014 - 02:30:30 in by Holland Office
  • Visits: 8462
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 4
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Hoos Ka Akhriso:10 Bilyaneer Oo Kusoo Koray Nolol Fiqiira Oo Waliba Aad U Xad-dhaaf Ah Iyo Sidii Ay Hantida Ku Tacbadeen.

    Shakhsiyaadkan noloshooda hore faqiirnimada aya ahayd waxay tusaale u noqon karaan qof kasta oo nolol hoose ku nooli inuu gaadhi karo maeel sare.........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shakhsiyaadkan noloshooda hore faqiirnimada aya ahayd waxay tusaale u noqon karaan qof kasta oo nolol hoose ku nooli inuu gaadhi karo maeel sare.........

hakhsiyaadka waxa horumar gaadhsiiyey shirkado ay aasaaseen oo maskaxdooda ay ka keeneen, kuwaasoo kaga mid noqday dadka dunida ugu taajirta, halka markii hore qaar badan oo ka mid ah ay cuni jireen cuntooyinka dariiqyada lagu tuuro. 

1. Mulkiilaha Shirkadda Facebook 

Ninkan ka Madaxda ka ah shirkadda Facebook, isla markaana ka mid ah ragga sameeyey barnaamijka farriimaha la isugu diro ee WhatsApp waxay noloshiisu ka soo bilaabantay mid aad u hoosaysa oo waayada qaar isaga iyo qoyskiisuba quudan jireen cuntooyinka dariiqyada lagu daadiyo. 

Kouam oo sida wargeyska Forbes iftiimiyey hanta ahaan iskii u leh $6.8 bilyan oo doollar waa 37 jir, waxaannu markii uu 16 jir ahaa isaga iyo qoyskiisuba ka soo tahriibeen dalka Ukrian, iyagoo sharci darro ku soo galay dalka Maraykanka. 


Markay dalka Maraykanka soo galeen qoyskiisu waxay halgan ugu jireen siday cunto u heli lahaayeen, iyagoo kudaafadaha cuntada ka guran jiray. 

Koum iyo saaxiibkii Brian Acton waxay ka wada shaqeeyeen in ay sameeyaan barnaamijka WhatApp si ay ugula xidhiidhaan dadka, kaasoo waqtigan 450 milyan oo qof oo daafaha dunida kala jooga isticmalaan. Shirkaddan WhatsApp waxa uu ogolaaday dhawaan inuu $19 bilyan oo doollar barnaamijkiisan ka siiyo shirkadda Facebook. 

Ninkan waxa uu noloshiisa ka soo bilaabay meel hoose, isagoo qoyskiisa iyo shakhsiyadiisaba gaadhsiiyey meel aad u sarraysa, marna aan ka nasan horumarka uu sameeyey. 

2. Aasaasaha Shirkad Isgaadhsiinta ee la yidhaa Excel Communication 

Ninkan oo la yidhaa Kenny Trout waxa uu noloshiisa ku maarayn jiray in khataro naftiisa uu geliyo, kadibna uu qaato caymis, taasoo ay ugu wacnayd lacag la’aan iyo saboolnimo haysan, waqtiyada qaarna uu waxbarashada iskaga bixin jiray lacagtaas. 


Ninkan oo sida bishii September 2013 Forbes sheegay lacag ahaan ka haystay $1.7 milyan doollar, waxa uu lacagta jaamacadda Southern Illinoir kaga baxay isagoo naftiisa rahan gelin jiray. 

Ninkan waxa uu lacagtiisa inta ugu badan ka helay shirkada telefoonnada ee Excel, taasoo uu aasaasay sannadkii 1988kii, caana noqotay sannadkii 1996kii, laba sanno kadibna waxa uu Trout shirkadiisan ka iibiyey shirkad la yidhaa Teleglobe oo ka siisatay lacag dhan $ 3.5 bilyan, waqtigan waa hawlgab, waana nin maalqabeen ah 

3. Howard Schultz 

Warraysi wargeyska British Tabloid Mirrror uu la yeeshay Howard Schultz waxa uu ku sheegay; "Markii aan koray waxaan ku fikiraayey in aan ku nololahay dariiq dunida ka mid ah. Waxa aan ogaa in dadka dariiqaya haystaa ay hanta badan haystaan, lacag badan leeyihiin, qoyskoodu faraxsan yihiin, mana garanaayo anigoo sabool ah sababta fikirkaas aan u ayidsana, waxaanan donaayey inaan dayrkaas ka boodo, faqiirtinimada ka baxo.” 

Ninkan waxa isaga iyo qoyskiisuba haystay hoy la’aan, iyagoo ka mid ahaa qoysas ku jira guryo aad u liita, halka uu waqtigana ka yahay madaxa shirkadda Howard Schultz. 


Shakshigan nolosha adduunyo horumarka ka sameeyey waxa uu ku guulaystay deeq waxbarasho uu u ku helay kubbadda cagta oo uu xariif ku ahaa, waxaana u fidisay deeqdaas Jaamacadda University of Northern Machigan, markii uu qallin-jebiyeyna waxa uu ka hawlgalay shirkad la yidhaa Xerox, aakhirkiina waxa ka hawlgalay dukaan kafeega lagu cabo oo uu u bixiyey Starbucks, kaasoo waqtigaas shirkada leh dunida ku lahayd 60 dukaan, aakhirkiina waxa uu 1987kii noqday maamulaha guud ee shirkadaas, waxaannu ballaadhiyey ganacsigii, isagoo dunida ka sameeyey 16,000 dukaan oo dunida dacaladeeda ku kala yaala. 

4. Oprah Winfrey 

Haweenaydii ugu horraysay ee Afrikanka Maraykanka u dhashay ee noqota wariye telefiishan waxay ka dhalatay qoys sabool ah oo ku noola degaanka Mississippi ee dalka Maraykanka, taasina kamay joojin inay ku guulaysato hamigeeda waxbarasho, waxaanay heshay deeq waxbarasho oo Jaamacadda Tennessee State University u fidisay, waxaanay noqotay haweenaydii ugu horraysay ee Afrikan madow ah ee weriye ka noqota telefiishan, iyadoo da’deedu 19 jir tahay. 


Oprah oo xaalkeedii hore ahaa mid aad u xun oo aan xataa saddexda waqti mararka qaar heli jirin waxay waqtigan haysta hanta dhan $2.9 bilyan doollar sida Forbes ku soo saaray qiimaynta lacagta ay haysato bishii September ee sannadkii 2013kii. 

Haweenaydan ka mid ah haweenka dunida ugu lacagta badan ee madawga ah waxay sannadkii 1983 u guurtay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka, iyadoo bilawday barnaamijka la yidhaa AM oo ah bandhig la qabto, kaasoo aakhirkii loo bixiyey magaceeda "The Oprah Winfrey Show.” 

5. Ken Lengone 

Ninkan waxa qoyskiisu noloshooda ku maarayn jireen markii uu yaraa shaqooyin aad u hooseeya, kuwaasoo meherado kafeega lagu cabo shaqaale ka ahaa, halka isaguna uu ka shaqayn jiray shaqooyin hoose, waqtiyada qaarna waalidkii waxay rahan ahaan u dhigeen gurigii ay ku jireen si ay nolol maalmeedkooda u helaan. 

Sannadkii 1968 Langone waxa uu shaqo ka bilaabay shirkad korontada ah oo dawladdu leedahay, laba sanno kadib waxa uu la midoobay shirkad la yidhaa Bernard Marcus si uu guri uga iibsado, taasoo aakhirkii shirkadaasi sannadkii 1981 wixii ka dambeeyey u noqotay mid caan ah oo dunida laga yaqaano, waxaannu iminka hanta ahaan haystaa $2.1 milyan sida lagu xusay Forbes bishii Sept sannadkii 2013kii. 

6. Shahid Khan 

Ninkan waqtigan ganacsadaha weyn ah waxa uu waqtiyada qaar hudheelada u maydhi jiray bileedhada, kaasoo saacadii heli jiray $1.20 doollar, halka uu waqtigana ka haysto $308 bilyan sida Forbes ku sheegay qiimayn uu sameeyey Sept 2013kii, 

Waqtigan waxa uu ka mid yahay dadka ugu taajirsan adduunka, kaasoo noloshiiisii hore ka soo tahriibay dalka Pakistan, kadibna galay Maraykanka, Jaamacadda Illinois oo uu dhigan jirayna iskaga bixin jiray lacagta uu ka helo weelasha uu hudheellada u xalo. 

Ninka asal ahaan Pakistaniga ah waxa uu leeyahay shirkadda la yidhaa Flex-N-Gate oo ka mid ah shirkadaha ugu ballaadhan ee gaarka loo leeyahay ee dalka Maraykanka ka jira iyo sidoo kale kooxda kubbadda cagta ee Fulham. 

7. Li Ka-Shing 

Ka-shing waxa uu ka yimi dhulka buuralayda baadiya ah, isagoo sannadkii 1940 soo galay magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha, waxaannu aabbihii geeriyooday isagoo 15 jir ah, kaasoo dugsigii uu dhiganaayey iskaga tegay si uu u kafaalo qaado nolosha reerkooda oo aad fiqiir u ahaa. 

Sannadki 1950kii waxa uu bilaabay wax uu shaqo kasta oo aad u hoosaysaba qabto inuu aasaaso shirkad u gaar ah oo la yidhaa Cheung Kong Industries, taasoo soo saarta bacaha balastiga ah, aakhirkiina ku fiday dunida badankeeda. 

Ninkan markii hore lacag la’aan dugsiga uu dhiganaayey uga baxay waxa uu hadda haysta lacag dhan $31 bilyan sida bishii March 2013 wargeyska Forbes sheegay, kaasoo ka mid ah tijaarta dunida ugu lacagta badan, halkii uu noloshiisii horena ka mid ahaa qoysaska ugu faqiirsan Shiinaha. 

8. Harold Simmons 

Ninkan waqtigan ka mid ah dadka dunida ugu lacagta badan waxa uu ku soo koray guri aan laydh lahayn oo cariish ah, waxaannu nasiib ku helay in Jaamacadda Texas aqbasho in lacag la’aan uu ku dhigto, kaasoo nolol aad faqiir u ah uu ku dhammaystay Shahaadooyinka Bachlor and Master oo uu dhaqaalaha ka diyaariyey, halka uu dugsigii hoosena nolol taa ka sii adag ku soo qaatay. 

Ninkan hantidiisu kor u dhaaftay $40 bilyan sid Forbes sheegay bishii September 2013 waxa ganacsade aad u weyn, kaasoo dunida ku leh shirkado badan iyo baanan, halka uu noloshiisii hore ka soo bilaabay sagxada, waxaana laga xusi kara shirkadaha uu leeyahay Contran Corporation iyo Valhi, Inc oo shirkado ganacsi ah. 

Mr. Sammion waxa uu dhawaan ku geeriyooday da’da 82 jir, taasoo uu qoyskiisa uga tegay hanta aad u badan. 

9. John Paul De joria 

Ninkan waqtigan haysta $4 bilyan oo doollar sida Forbes daabacay bishii September 2013, waxa uu 10 jirkiisii ahaa carruurtii ugu horraysay ee iibisa kaadhka ciida dabaaldega kirismaska laga qaybqaato iyo wargeysyada si uu qoyskiisa nolol maalmeedkooda ugu caawiyo. Waqtiyada qaar waxa uu noloshiisa ku qaatay meel dhir ah oo uu seexan jriay, kaasoo xataa marar ku biiray dadka dabaajirta ka ah Maraykianka, ka hor intii aanu ku biirin ciidammada milllateriga Maraykanka. 

Mr. Dejoria waxa uu amaahday lacag dhan $700 dollar, taasoo uu ku furtay emehar la yidhaa John Paul Mitchel System oo timaha hagaajisa, kazoo intuu albaabada dadka ku garaaco ka iibin jiray shampoo timaha lagu maydho, isla markaana ku noola, gurina ka dhigan jiray gaadhi uu lahaa, aakhirkiina waxa uu bilaabay aasaasida shirkad la yidhaa Patron Tequila oo timaha dadka u qurxisa, taasoo waqtigan shirkado kale maalgalisa, aadna dunida looga yaqaan. 

10. Do Won Chang iyo Jin Sook 

Laba shakhsi oo ah nin iyo ooridii oo wadaag ku ah hanta dhan $5 bilyan oo dollar oo ay iskood waqtigan u leeyihiin, waxay ka soo tahriibeen dalka Kuuriya sannadkii 1981, iyagoo galay dalka Maraykanka, kuwaasoo saddex shaqo mar kaliya wada qaban jiray si ay baahiyahoda ugu daboolaan, mararka qaarna aan waqtiyada qaar cunto ay cunaan heliba jirin. 

Lammaanahan waxay bakhaarkii ugu horreeyey ee dharka lagu iibiyo furteen sannadkii 1984kii, halka waqtigana ay 21 bakhaar oo caalamiya leeyihiin, taasoo macnaheedu tahay 480 bakhaar oo dunida ah bay leeyihiin, waxaanay sannadkii soo gala shirkadooda dharka dakhli dhan $3 bilyan oo doollar. 

Diyaariye:Wariye Adnaan Shawahaaye