West Ham United Oo Burbursatay Galabta Kooxda Horyaalka Difaacanaysa Ee Man City

0
Saturday October 25, 2014 - 18:23:55 in by Burco Office
  • Visits: 1045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    West Ham United Oo Burbursatay Galabta Kooxda Horyaalka Difaacanaysa Ee Man City

    Kooxda West Ham United ayaa cashar lama ilaawaan ah u soo dhigtay kooxda horyaalka difaacanaysa ee Man city. West Ham ayaa 2:1 ku dubatay Manchester City,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda West Ham United ayaa cashar lama ilaawaan ah u soo dhigtay kooxda horyaalka difaacanaysa ee Man city. West Ham ayaa 2:1 ku dubatay Manchester City,

, waxaana goolasha u kala dhaliyayMorgan Amalfitano iyoDiafra Sakho halka goolka madiga ah uu Man City u dhaliyay David Silva.

Man City ayaa marti u ahayd kooxda West Ham waxayna doonaysay inay guul ka soo gaadho kooxda West Ham, waxayna ku hamiyaysay inay si ku meel gaadh ah u soo yarayso farqiga dhibcaha u dhexeeya kooxda horyaalka hogaaminaysa ee Chelsea.

Kulankan ayaan noqon sidii la filayay waxayna West Ham iska caabin xoogleh kala hortimid kooxda horyaalka difaacanaysa ee Man City. West Ham ayaana si lama filaan ah hogaanka ciyaarta ula wareegtay daqiiqadii 21 aad waxaana goolkaas u saxiixay Morgan Amalfitano. 

Song ayaa kubbad fiican u dhigay Valencia kaas oo isna kubbada u soo dhigay Morgan Amalfitano. Hart iyo Zabaleta ayaa ku guul daraystay inay kubbada iska saaraan. Ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay West ham ciyaarta ku hogaaminayso. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1:0 ay West Ham ku gacan sarayso.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay West Ham halkii ka sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay qaybtii hore ee ciyaarta soo bandhigtay.

Daqiiqadii 75 aad ayay markale West Ham u suurto gashay inay hogaanka dheeraysato waxanaa markan gool madax ah u dhaliyay Diafra Sakho. Wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 2:0 ay West Ham hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay. 

 

Inkasta oo goolkan uu dhaliyay Sakho uu muran ku jiray ayay haddana muuqaalada iyo sawirada danbe muujiyeen inuu kubbadu si rasmi ah u dhaaftay xariiqda goolka sida aad ka aragtaan sawirada hoose.Diafra Sakho ayuu goolkani ahaa kiisii lixaad oo uu ka dhaliyo lix kulan oo horyaalka ingiriiska ah oo isku xiga.

Haddaba halkan ayaad si fiican uga fiirin kartaa qalabka goal Technology-gu qaabka uu u xaqiijiyay inuu goolka Sakho sax ahaa.

Manchester City ayaana dadaal badan ugashay sidii ay iskaga soo celin lahayd labada gool ee shabaqeeda lagu darbeeyay, waxayna goolka kowaad la timid daqiiqdii 77 aad waxaana dhankeeda goolkaas u dhaliyay David Silva. Silva ayaana dhaliyay gool aad u qurux badan kaas oo uu ku soo celiyay rajadii sii dhimanaysay ee kooxdiisa Man City wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali West Ham ciyaarta ku hogaaminayso.

Ugu danabayn ciyaartn a ayaa ku soo dhamaatay 2:1 ay West Ham saddexda dhibcood kaga xayuubisay kooxda horyaalka difaacanaysa ee Man City. West Ham ayaa xili ciyaareedkan qaab ciyaareed aad u fiican ku soo bandhigtay gurigeeda waxayna Man City marisay wadadii ay Liverpool hore ugu dubatay.