Shaki Diimeed: WQ: Mahdi Sheekh

0
Sunday October 26, 2014 - 11:55:44 in by salman abdi
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaki Diimeed: WQ: Mahdi Sheekh

    Wax badanbaa la isku dayaa in laga shakisiiyo faca maanta nool oo irrido badan lagu oodo jiitin dhacan ah oo aanay iska leexinteeda in badani awood u lahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax badanbaa la isku dayaa in laga shakisiiyo faca maanta nool oo irrido badan lagu oodo jiitin dhacan ah oo aanay iska leexinteeda in badani awood u lahayn.

Kuwa sidan lagu sameeyaa waa kuwa sawir ahaan uun muslim ah, een quruxda iimaanka iyo cajaa’ibta Tawxiidku aanay u dusin laabahooda. Bilihii u dambeeyey ayaan dib u raac raadadka kooxo dagaal-la-joog ah. Waa dagaal si xawli ah u socda oo lagula kacayo akhlaaqdii suubanayd ee diin raaca ahayd. Hujuumka marba dhinac ayaa laga soo qaadayaa, ha ahaado caasinta culimada iyo hoosaysiintooda iyo abuurka kacaan wadaad-diid ah. Waxaa ka sii daran sida hawlmaalmeedka shaqo ee nidaamsan loo qaybsaday; qolo waxay ka hor iman doonaan sugnaanshiyihii caqiiqada diinta, kuwo kalena waxay matali doonaan inay abuuraan sawaxan warbaahineed. Waxay jiilka ku afuufaan mashruuc weydeedkan ujeeddadiisa. Waxay qaabeeyaan sida ay ula dhacsanyihiin buuqan cusub ee hebel ama heblaayo samaysay bilihii u dambaysay oo inta badan ay beegsadaan meelaha ay Fikradahoodu ka duulaan,

Shaki kuma jiro inaynu ku jirno waqti mawjadaha fikir ay is hirdinayaan, isbeddal fiican iyo mid xunna isbarbar socdaan. Walaalladan aynu leenahay waxay aaseen fikirkoodii xorta ahaa, waxayna muquurteen xaddaarad saaqidday, xumaanteedii iyo wanaagyadeediibay dusha u soo riteen, markaasaa la cashariyey oo lagu anqariyey, xalna u arkeen inay u doodaan duuduubna ku qaataan. Waxay noqdeen kuwo u nool naftooda iyo shahawaadkooda. Waxa laga dhacay wixii ugu qiimaha badnaa, waxayna ku doorsadeen ‘Shaki iyo Shubuhaat’ la geliyey quluubtooda, Hadafkii iyo hugunkii nololeedna waa laga leexiyey.

Ismaan lahayn waxaad akhriyi doontaa erayo igaga adag in midkood fikiro, ka dib uu yidhaahdo "Waxaan ku hungoobay Kitaabka alle soo dajiyey, waxaanan niyad jab ka qaaday inaan ogaado inaan quraanka wax kasta laga helayn, sida ay Soomaalidu tidhaahdo”.

Layaab qof ka shakiyey jiritaanka alle, qof ka shakiyey jiritaanka risaaladda Nabigeennii suubbanaa, layaab qof ka shikiyey sugnaanshiyaha waxyaabaha maqan ee Janno iyo Naar, qof ka shakiyey naar, qabri iyo naruuradiisa. Saaxiibbayaal saaxiibbadeena aynu ka soo hadalnay waa niman leh astaamo lagu garto, sumaddoodu way ka dhex muuqataa dadka, inta aan kuu soo sheegay ayaad mar kasta arki doontaan iyaga oo isku dayaya inay innaga shakisiiyaan. Dib ugu noqda barayaashooda, akhriya buugta ay qoreen macalimiintooda "Malaaxida” ama mataanahooda kale "Cilmaaniya”. Waxaad arki doontaan inay fikir sumaysan oo sida fayraska kuugu soo dusaysa, waxaad arki doontaa iyaga oo xaqa iyo baaddilka isku dhex walaaqaya.

Iyagu may nasan, adigu se inaad iska nasatay ayaan u arkaa! Miyaad nasatay iyada oo caqligaaga iyo diintaadaba lagaa shakisiinayo, miyaad nasatay adiga oo laguugu gacan-haadinayo inaad noqoto muslim laybaraali ah? Adna aanad maalinna isku dayin inaad ogaato eray-bixintu waxa ay tahay. Miyaad iska aamustay iyada oo qalinka loo qaatay in lagu dumiyo seeska diinta adag eed awawyaashaa ka soo gaadhay? Ma iska diidday adiga oo saaxiibtinimadooda tixgelinaya inaad ku dhiirato inaad weedho kooban ku diiddo fudaydka diimeed ee lagula dhex qaadayo?

Fikir aan xuduud lahayn, xorriyad aan meel soo celisa lahayn, la jaanqaadka dunida casriga ah, diimuhu waa xashiishado lagu suuxiyo ummadaha iyo in kale ood buugtooda kula kulmi doontaba, waa irridaha afkaartooda sumaysan iyo bar bilawga casharada ay bixiyaan ee shakiga diimeed ay ku abuuraan dhalinteenna.

Saaxiib waxay u xiiqsan yihiin inay fikirkooda meel mariyaan, adna taada waanu sugaynaa! Inta hawadoodu ka roonaatay ee Diin la’aanta fawdada wadata ku dhex asqaysani waa masaakiin fikirkaasi u noqotay dhibbanayaal aan rejo ka qabo inay maalin ka xoroobi doonaan is-burinta ay ku nool yihiin. Waa caruurteenii, waa wadnayaasheenii, waa innala dhiig iyo cad, waxay innagu leeyihiin xuquuq badan, waxa inna saaran gaadhsiinta khaladkooda mar haddiiba ay isku dayeen inay shaki iyo tashwiish ku sameeyaan dhallinteenii, Allena waxa saaran hanoonintooda.



 

W.Q: Mahdi Sheekh.

Hargeysa / somaliland