"Cadaalad Darada Waxaa Ka Dhasha Nabadgalyo Darro"

0
Wednesday March 04, 2020 - 10:14:32 in by salman abdi
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cadaalad Darada Waxaa Ka Dhasha Nabadgalyo Darro"

    "Cadaalad Darada Waxaa Ka Dhasha Nabadgalyo Darro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cadaalad Darada Waxaa Ka Dhasha Nabadgalyo Darro"
Xildhibaan Maxamed Wali Maxamed Warsame, oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay cadaalada iyo muhiimada ay leedahay, waxaanu tilmaamay in cadaalada oo sideeda loo ilaaliya, inay faa’iidooyin badan leedahay, cadaalad daro dhacdaana ay dhibaatooyin badan leedahay.

Xildhibaan Maxamed Wali Maxamed Warsame, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Cadaaladu waa arin culus oo u baahan in sida ay tahay loo ilaaliyo, cadaalad dhamays tiran ILLAAHAY oo qudha ayaa laga hela, laakiin inaynu inaguna ilaalino weeye, cadaalada oo ilaaliyana faa’iidooyin badan baa inoogu jira, oo waxaynu iska ilaalinaynaa dulmi iyo xaq daro, cadaalad darada waxaa ka dhasha nabadgalyo daro, dhibaatooyin, xaq daro iyo dulmi,ee aynu iska ilaalino cadaalad darada, oo cadaalada aynu ilaalino”

Xildhibaan Maxamed Wali Maxamed Warsame, ayaa dhanka kale wuxuu guud ahaan Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgalyada ilaaliyaan, oo ay iska ilaaliyaan wax kasta oo nabada wax yeelo ku ah.