Daawo; Barca Oo Rigoore Ku Qaaday Catalan Super Cup Xilli Suarez Uu Sameeyay Caawin Cajiib Ah +SAWIRO

0
Thursday October 30, 2014 - 12:32:44 in by salman abdi
  • Visits: 979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo; Barca Oo Rigoore Ku Qaaday Catalan Super Cup Xilli Suarez Uu Sameeyay Caawin Cajiib Ah +SAWIRO

    Luis Suarez ayaa caawin cajiib ah sameeyay iyadoo Barcelona ay garaacday kooxda Espanyol koobka Catalan Super Cup oo ay kaga badiyeen rigoore, laakiin Suarez ayaa weli raadinaya goolkiisii ugu horeysay ee Spain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luis Suarez ayaa caawin cajiib ah sameeyay iyadoo Barcelona ay garaacday kooxda Espanyol koobka Catalan Super Cup oo ay kaga badiyeen rigoore, laakiin Suarez ayaa weli raadinaya goolkiisii ugu horeysay ee Spain.

Weeraryahankii hore ee Liverpool ayaa ku bilowday ciyaarta isagoo ahaa hogaamiyaha weerarka, laakiin waxa uu kubad si xarago leh ugu dhigay Gerard Pique oo dhaliyay goolkii furitaanka.

Suarez ayaa isagoo dhalin kara kubada waxa uu si deeqsinimo iyo xarago leh ugu qaaday Pique kaasoo kubada isna madax ku dhaliyay. Halkaan hoose ka daawo goolkaas:

Kooxda Luis Enrique ayaa ka koobneyd ciyaartoyda waa weyn ee Barca iyo kuwa da’da yar iyaga ayaana koontaroolayay ciyaarta laakiin laad xor uu dhaliyay Anaitz Arbilla ayaa keentay in Espanyol ay barbareyso ciyaartoyda islamarkaana ay Barcelona ku badiso rigoore.

Koobka Catalan Super Cup ayaa leh taariikh dheer laakiin waa markii ugu horeysay oo loo qabtay qaabkaan oo kale. Caadiyan waxaa jiri jiray kooxo yaryar oo ka qeyb qaata laakiin haatan waxaa laga dhigay hal kulan oo kama danbeys ah oo ay ciyaaraan labada kooxood ee La Liga ee ka dhisan Catalonia.

1414628547398_wps_27_GIRONA_SPAIN_OCTOBER_29_X

Ciyaartoyda U Safnaa Labada Kooxood:

Barcelona:Masip, Adriano (Grimaldo 73), Pique (Ie 46), Bartra, Alba (Alba 46), Samper (Halilovic 75), Sergi Roberto (Xavi 61), Rafinha (Rakitic 61), Munir, Suarez (Adama 46), Pedro (Sandro 46).

Bedel aan la isticmaalin:Ter Stegen.

Gool:Pique 16.

Jaale:Adama.

Espanyol:Pau, Mattioni (Victor Sanchez 46), Raul Rodriguez, Victor Alvarez (Joan Jordan 46), Salva Sevilla (Abraham 46), Alex (Luque 46), Clerc (Duarte 46), Arbilla, Jairo, Bailly, Pol Llonch (Mamadou 46).

Bedel aan la isticmaalin:German, Alvaro, Hector R.

Gool:Arbilla 51.

Jaale: Raul Rodriguez.

Waa soo xaadirtay garoonka:5,110.

Rigoorooyinka:

Barcelona waxaa u dhaliyay:Xavi, Halilovic, Grimaldo, Rakitic.

Barcelona waxaa ka qasaariyay:Sandro.

Espanyol waxaa u dhaliyay:Victor Sanchez, Jordan.

Espanyol waxaa ka qasaariyay:Arbilla, Abraham.

1414628578111_wps_36_GIRONA_SPAIN_OCTOBER_29_G

 

 

 

1414628567492_wps_34_GIRONA_SPAIN_OCTOBER_29_G


Contact@afkashacabka.com