Maxaa dhibaatada qabyaalada xal loogu wayay (W/Q. Sucaad sh Ahmed Osman)

0
Thursday October 30, 2014 - 16:18:13 in by salman abdi
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa dhibaatada qabyaalada xal loogu wayay (W/Q. Sucaad sh Ahmed Osman)

    Dadku mansab iyo qabiil toona kuma kala sareeyaan dadku way siman yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadku mansab iyo qabiil toona kuma kala sareeyaan dadku way siman yihiin.


 

Bismilaah marka hore waxa mahad oo dhan is ka leh allaha wayn (SWT) ee Inagadhigay umad islaam ah Intaa kadib waxan mahad gaar ah u soo jeedinayaa saxaafada madaxa banana ee ka hawlgasha dhamaanba dalka Somaliland iyo guud ah ahaanba shacbi weynaha reer somalialand meelkasta oo ay joogaanba waxaan leeyahay illaahay xaqa hanagaransiiyo dhamaanteenba.

Dadku mansab iyo qabiil toona kuma kala sareeyaan dadku way siman yihiin.

Waxay nuu nahay umad islaam ah illahy baana qur’an kiisa inoogu sheegay in aanay umadu kala sarayn ee ay siman yihiin Dhalin yarada somaliland oo ah bulshada Somaliland ayaa waxa si baa ‘an uu sameeysay duufaha is daba yaca ah ee dhaqan dhaqan dhaqaale oo waxad moodaa in wax iska caadiya aynoqotay qabyaaladu.

 

Siiba markaa meelaha shaqooyinka laysugu yimaado waxad arkaysaa qab yaalad ba an oo ka alloosan iyo waa reer hebel ambaa hadii aanu nahay reer hebel IWM Hadabaa

Dhaqankeenuu waa daahab kaa nasahaan xumaan hadaan la xumayn.

Bulsha qabyalada in laaga maydho ayay nu uu baahan tahy

Dadku mansab iyo qabiil toona kuma kala sareeyaan dadku way siman yihiin Qofkastoo dadka Somaliland ahbaa waxa la gudboon doorkiisa inuu ka qaato dhinaca la gudboon dhismaha dalka iyo cidhiib tirkaa qabyaalada hiigsiga himiladiisa toolmoon

Waxaad moodaa inay imikaa somaliland qabyaladuu marba marka ka dan baysaa sii casriyoobayso illaa intii dawaldan haddaa taladaa haysaa haysay talada wadankeena waxad moodaa in aysii libiin laabmayso qabyaaladdu

Hadaba allaah waxa uu ina siiiyay Abnii Iimaan aynu kuu faano oo caalmka intiisa kale Aynaa haysan maanta waayo Somaliland nabad ayay ku caano mashay waana laswaydiin lasku dhaafi mayee Waxa lagu waydiinayaa cilmigii iyo garashadii alle ku siiyay meesha aad ku martay iyo sida aad u adeegsatay xumaan iyo samaan, xaq baadil ba.Waxa lagugula xisaabtami doonaa amnigii iyo iimaankii alle ku siiyay inaad garatay iyo in kale inaad guddoontay iyo inaad xoortay, inaad allihii ku siiyay ugu shugriday iyo inkale

Hadaba Aan dib u milicsado mawduucayga dulucdiisa 10703787_723668591051065_1151236775834070384_n

waxad mooda inaynaan laba socon caalamkan casriga ah. Wali waxaynu ku jirnaa meel mugdi iyo jaahilnimo ah oo dunidu boqolaal sano ka hor soo dhaaftay taas oo ah, qabiil-qabiil & qabyaalad indha la’aan ah. Umada inay ku dhacdo mushkilad ah in ay qofkii ay xilka u dhiibteen khaladka uu galaayo ka joojin kari waayaan ama kaliidii taliye qabsado .

waxaa u sabab ah in shicibku kala qaybsan yahay oo iska soo horjeedo. shicibkuna hadii aanu is raacsanayn oo danta guud & dawladnimadaAanaay uu billaan oo ayna ka midaysnayn, cid kastaa gumaysan karta oo xukumi karta, waxay doontana ku samayn karta. Umad midaysan kuma dhacdo dhibaatada inahaysta oo kale. Ee qab yaaladan inaa hadhaysaye

Gabogabo, walaalayaal aynu si wanaagsan oo caafimaad qabta u fahano dhibta inoogu xun ee dhibaatadeena u salka ahi inay tahay Qabyaalada aynu ku dhaqmayno iyo siday wax inoo yeelayso ee ay ula fal galayso ficil kasta oo aynu sameeyno, hadii ay dawlad tahay, hadii ay diin tahay, cadaalad darada ina haysata dhan walba waxa nolasheena hortaagani waa qabyaalada iyo qayb qaybsanaanta anu midna kakale waxba uu ogalayn. Qabiilka iyo is haybsigu dhib malaha sidaynu horeba uu soo sheegnay. Balsee waxa uu dhibkuu kaa taagan yahay In aynuu iskuu reebno qabyaalad iyo qabiil

Haku hogaamin ummadda qabyaalad. Haddii aad damacdo in aad ummadda hoggaamiso waxaad tahay birta dhexe ee miisaanka. Waxaa kula gudbboon in aad marka hore tahay nin -qaran oo aadan adeegsan qabyaalad si aad wax u maamusho. "Nin-Qabiil ma hoggaamiyo Qaran.” Ka bilow naftaada, carruurtaada, ehelkaaga iyo qaraabadaa la dagaalanka qabyaaladda. Markaad saafi ka noqota qabiil u soo leexo in aad dawlada wadankaga hooyo hoggaamiso. Sidoo kale ha taageerin hoggaamiye adoo uu taageeraya waa nin qabiilkaayga ah darteed oo kaliya. Waxaa ka habboon in mid kaga habboon uu hoggaamiyo ummadda. Qabiilaystuhu , wuxuu aqoon u leeyahy in uu hoggaamiyo qabiil qudha ee ma awoodo in uu hoggaamiyo ummadda oo isku duuban

waa in aad kuu doorataa. Aqoontiisaaqofka aad doonayso in uu hogaamiyo umaadaa kaa ayaa dan uu ah wadanka waxna ku soo kordhin kara wana kii kuu haboonaa in uu qabto howsha kana soo bixi karaa lakiin ogoow hadad ku doorato qabiil in aanad waxba soo kordhin maanta waxaynuu haysanaa Aqoon yahano heer gaadhsiinkara wadankaa balse waxa haboon in loo eegoo yaa ku habooon oo qaban karaa shaqadaa hadii aad eegto qabiil ogoow qaranimadii in aad hog madoow aad kuu Bulshooy horumar waxa uu kuu jiraa taabkeenaa. Qofkastoo

Garddaro qabyaaladeed ha taageerin.Cid xaq-darro ku socata ha ku taageerin ficilkooda. Ha ka mid noqon kooxo u kacay in cid kale ay soo dulmiyaan oo ay soo dhacaa iyagoo qabyaalad adeegsanaaya. Ha hor kicin oo ha hoggaamin kooxo la mid ah kooxahaas. Ha ka qaybqaadan duminta ama waxyeelidda qaran –guud waayo, jiritaanka qaranimadu adigay dan kuu tahay.

Ka fogow ka-qaybgalka iyo qabanqaabinta shirarkaqabyaaladeed. Waqtigaaga ku bixi meelaha dantaada gaarka iyo tan guud ee ummaddaada ay ku jirto. Ka qayb gal shirarka dib u dhisidda qaran-nimada ummadda. Waxaad ku dadaashaa in aad ka sheekeyso macaanka qarinimadu leedahay iyo qadhaadhka qabiilku leeyahay. Runta kaga dhawaaq meelaha la isugu yimaado adigoo dhaleeceynaya qabyaaladda, dhibteedadana muujinaayaa


Hadii ay Jiraan cid Aan Ku Gafaynaa

Raali galin ayan ka bixinayaa

Rali ha layga ahaado insha allah


Waad mahadsan tihiin


Sucaad sh Ahmed Asman

Cell phone : 063-4402931

Email: sucaadshahmed@gmail,com



Allaah mahad leh