Awoodaha La Dayacay W/Q. Eng.Suleiman Maxmuud Jaamac.

0
Tuesday November 04, 2014 - 10:04:45 in by salman abdi
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Awoodaha La Dayacay W/Q. Eng.Suleiman Maxmuud Jaamac.

    Waa habeen gudcur ah salaaddii cishaayi kadib. Waxaan socdaa mid ka mid ah marinnada magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa habeen gudcur ah salaaddii cishaayi kadib. Waxaan socdaa mid ka mid ah marinnada magaalada Hargeysa.

Mugdiga habeenkaa waxa ii dheer aamusnaan se maskaxdayda hadal kama maqna. Daggenaanshaha jidhkayga hadheeyay awgeed waxan maqlayaa jaanta iyo jabaqda cagtayda. Jam jamtayda sanqadheedda waxaad moodda sidii inantii tallaabo cuddoon la odhan jiray. Bal adba! Waxa ii weheliya hoonka gaawaadhiga oo is qabsaday oo aad mooddo inuu la jaan qaadayo hab u socodkayga. Hareeraha ma eegayo waayo nin is huba ayaan ahay; ma tallaabo dheeraynayo mana tallaabo gaabinayo laakiin waxan u laafyoonayaa si miisaaman.

 

Waxan hab u socodkayga la dhacsanaadaba, si kadis ah ayaan ugu laabay goolad yar oo cidhiidhi ah. isla markiiba waxaa aan la kulmay muran iyo buuq ka yeedhaya meel aan waxbadan ii jirin – yar yarku qaylo dheeraa! Waxaan u cabsaday naftaydii oo wadnuhu wuxuu Ii garaacayaa sidii nin xiiqsan. Niyaddaydu ma nabdoona waayo waxan sawirtay iyadda oo la iga qaaday moobil qaali ah oo an maalmahaas uun soo gatay. Se ILAAHAY mahadi ha ugu sugnaato’e balaayo ma dhicin.

 

Yar yarkaasi waxay ku dhawaaqayeen awgeed waxay damqeen qalbigayga siddii leeb la igu soo ganay o kale. Waxay ahaayeen kuwo lagu qurxiyay hooyo-cay, aabo-cay iyo nacdal is wata. Waxa lagu iidaamay ka waramista xiddig ku sheegyada ciyaara kubbada cagta. Waxay ahaayeen codad ka madhnaa naxariis iyo naruuro. Innay nabbiga ku salliyaanna hadalkeedaba daa. Hadallo qalafsan misna sumaysan o dilaya qalbi kasta o jecel wanaag, horumar iyo wacnaan shakhsiyadeed bey ahaayeen.

Waxaan soo gaadhay goobtii uu sawaxanku ka socday. Mise waa dhalinyaro is urursatay oo ku suggan cimrigooga xilligii ugu dahabisanaa. Awoodooda ku jirta awgeed haddii la odhan lahaa ha lagu cabbiro Awood-beeg ay adkaan lahayd in la qiyaaso. Waa dhiiggii iyo dheecaankii dalka iyo dadkaba wax tari lahaa oo garan waayay sidii ay uga faaidaysan lahaayeen tamartooda iyo kartidooda caqliyeed iyo muruqeed labadaba. Guul waarta iyo horumar shaqsiyadeed ayuu ku han weyn yahay mid kasta o kamid ah barbaartan balse waxa ka qaldamay jidkii guusha loo mari lahaa. Waxay hilmaameen inay araan jiheeyaha guusha eek u salaysan diinteenna suubban iyo caqliga saliimka ah markaas ayey ku hungoobeen in ay noqdaan sida Ronaldo iyo Shayaadiinta la halmaala oo u ahaa cidda keliya ee ay ku daydaan. Gidaar kasta markii ay kasoo go’een ayaa aakhirkii waxay kusoo gunaanadeen jadwal la samaysto kii u liitay oo u dhigan sidan: 3 saacadood oo gidaar fadhi ah, 3 saacadood oo casharadii Ronaldo la dhito iyo 3 saacadood oo la dabbaqo kubadana la eryado, iyo 4 saacadod oo habeenkii lagu shiro geedaha hoostooda iyo kaabadaha saliid ijiinta leh. Qaarkoodna waxaa intaa u dheer 5 saacadood oo jaad la daaqayo. Runtii waa awood la dayacay; waa quwad iyo xoog wax tari lahaa hadii laga faaideeyo.

Walaalkayga maqaalka akhrinayoow ALLAH ayaan kugu dhaarshe ma waxaad ku faraxday in aad ku noolaato nolol fiican iyo fikir saliim ah iyadoo walalkaaga kula jaarka ahina uu la dawakhsanyahay raadinta tubta saxda ah? Ma waxaad la bakhayshay talo iyo waano anfacda qalbi agtaada ku dhintey? Miyaanad damiir lahayn oo aanad ka damqanayan walaalkaaga jarka ka laalaada adna aad buurta iyo salaanka guusha sii fananayso? Miyaynu ilawnay hadalkii Nebigeena SCW oo ahaa "In uu ALLAH qof ku hanuuniyo adiga awgaa ayaa kaaga wanaagsan in aad hesho geela kiisa cascas”? Ma waxaad ilawdeen in uu ALLAH ummadeena ku ammaanay quraankiisa jeer uu yidhi waxa aad tihiin umadaha tii ugu khayr badneyd sababtuna tahay"waxaad is fartaan wanaaga waxaanad iska reebtaan xumaanta”? Waxaa hubaal ah in waanada wanaagsani ay wax badan qaban karto; waxaa marag ma doon ah in da’yarta maantu u baahantahay wacyigilen dhankasta leh; waxa aan shaki ku jirin in talada iyo nasteexada wanaagani ay noqdeen mid ka mid ah awoodaha aynu dayacnay. Maxaa inoo diiday in aynu noqono tabobarayaal nololeed sidii nebigeenii (NNKH).

Guntii iyo gunaanadkii, waxaa inagu wada waajib ah in aan dareenno in aanay farxaddeenu dhamaystirmayn inta aynu helayno saaxiibkaa oo nolosha ka dhacsan; farxadeenu ma buuxdo inta aynu masaajidka ku tukanayno da’yartiina gidaarada fadhiyaan; farxadeenu ma dhamma inta aynu ka fikirayno horumar iyo guul sanadaha soo socda, halka saaxiibkaana ka dhacsanyahay tareenka nolosha.

Somaalidu waxay tidhaa ragba waa ku raqdeed. Sidaa awgeed, da’yarta maanta cidna uma maqna ceelna uma qodna. Waa adiga cidda keliya ee u ah miciin. Nimcadaad ku sugantahay u ogolow in lagula wadaago. Talo aad siiso qof adiga lacag kuuguma joogto balse qofka aad talada siinayso waxaa ay uga qaalisantahay dahabka. Maxaa ka sharaf badan in aad sabab u noqoto hanuunka hal qof oo taasi ay keento in salaad kasta oo uu tukado aad ku hesho ajarkiisa mid la mid ah, soon kasta oo uu soomo aad hesho ajarkiisa mid la mid ah, wax kasta oo wanaag ahna aad ka hesho ajar iyo xasanaad. "HAYARAYSAN QIIMAHA WANAAG FARISTA



 

Solomon Jamzuriy 

<jamzuriy50@gmail.com