Trump oo wacad ku maray inuu ka jawaabi doono 'isku dayga dil ee safiirka Mareykanka ee Koofur Afrika'

0
Tuesday September 15, 2020 - 10:26:37 in by salman abdi
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo wacad ku maray inuu ka jawaabi doono 'isku dayga dil ee safiirka Mareykanka ee Koofur Afrika'

    Trump oo wacad ku maray inuu ka jawaabi doono 'isku dayga dil ee safiirka Mareykanka ee Koofur Afrika'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo wacad ku maray inuu ka jawaabi doono 'isku dayga dil ee safiirka Mareykanka ee Koofur Afrika'

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in jawaab "1,000 jeer ka culus," uu ka bixin doono weerar walba oo ka yimaada Iiraan.

Hadalka Trump ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Iiraan ay qorsheysay dilka Safiirka Mareykanka ee Koofur Afrika, Lana Marks.

"Weerar walba oo ka yimaada Iiaran, noocuu doono ha noqdo, oo looga soo horjeedo Mareykanka waxaa looga jawaabi doonaa weerar lagu qaado Iiraan oo 1,000 jeer ka culus!" Trump ayaa shalay sidaas ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Saeed Khatibzadeh ayaa beeniyay warka qorshaha dilka ee uu weriyay Politico.

Waxaa la sheegay in Iiraan ay qorsheyneysay inay disho Safiirka Mareykanka ee Koofur Afrika, oo muddo dheer saaxiib la ahayd Madaxweyne Trump, si ay uga aargoosato dilkii Janaraal Qasem Soleimani uu Mareykanku u geystay bishii January.

Gen Soleimani waxaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka geysteen garoon ku yaalla Baghdad.

Social embed from twitter