shaqayoin ka banana wasarada araimaha gudaha oo dhalinyaro badan oo imtaxanad ugalidoona oo ka warbixayay gudoomiyaha shaqaalha Somaliaaland

0
Monday March 10, 2014 - 07:08:59 in by Super Admin
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    shaqayoin ka banana wasarada araimaha gudaha oo dhalinyaro badan oo imtaxanad ugalidoona oo ka warbixayay gudoomiyaha shaqaalha Somaliaaland

    guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa maanta ka hadlay imtixaan laga qaaday dhalinyaro tiro badan oo u tartamaya shanyo afartan shaqaale ah oo ay u baahan tahay wasaarada arimaha gudaha Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa maanta ka hadlay imtixaan laga qaaday dhalinyaro tiro badan oo u tartamaya shanyo afartan shaqaale ah oo ay u baahan tahay wasaarada arimaha gudaha Somaliland.
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa maanta ka hadlay imtixaan laga qaaday dhalinyaro tiro badan oo u tartamaya shanyo afartan shaqaale ah oo ay u baahan tahay wasaarada arimaha gudaha Somaliland.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladu oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dadka imtixaanka galaya loo qaybiyey laba qaybood kuwaas oo wakhtiyo kala duwan gali doona imtixaanaadka.

Ugu horayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo ka hadlaya bilawga imtixaanka laga qaadayo dadka soo codsaday shaqaalaha ay u baahan tahay wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa waxa uu yidhi "Waxaanu maanta noo soo gaba gabawday liiskii shaqaalaha ahaa ee soo dalbaday shaqaalaha ay u baahnayd wasaarada arimaha gudaha Somaliland oo tiradoodu

dhamayd 45 shaqaale kuwaas oo loogu tala galay inay ka soo dhex baxaan 5700 ruux oo rag iyo dumarba iskugu jira, arinku wax uu soo jiitama waa liiskii ugu danbeeyey ku soo baxay 1970, waxaana imtixaanka u fadhiistay 452 oo ah inaanu shaqaalihii loo baahnaa u qaybino laba qaybood kuwaas oo aanu 8 boos siinay dadka soo dhamaystay dugsiyada sare, kuwa maanta galay imtixaankuna waa kuwii soo dhamaystay jaamacadaha kuwaas oo tiradoodu tahay 452 hablo iyo inamo iskugu jira kuwaas oo u tartamaya 37 boos alle hayna gargaaro ayeynu leenahay oo ilaahay wax dhaama hayna siiyo sidan ay imika shaqooyinku u jiraan.”

 

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "maalinta salaasada ah colkii dugsiyada sare ka baxay ee aanu sideeda boos siinay ayaa iyaguna imtixaanka gali doono, baarlamaanka, guddida maamul wanaaga,hay’adda shaqaalaha iyo niman madax banaan oo ay iska soo saareen dadka galaya imtixaanka si ay ula socdaan arimaha imtixaanka.” Ayuu yidhi gudoomiye Nuux Sheekh Muuse Ducaale.

Sidoo kale agaasimaha maamulka ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Cismaan Dube oo isaguna ka hadlay dadkan maanta imtixaanka laga qaaday ee u tartamaya shaqooyinka ka banaaan wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay dadkani heleen fursado siman oo ay kaga qayb gali doonaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen shaqaalaha ay u baahan tahay wasaarada arimaha gudaha Somaliland


afkashacabka,com
Haragaysa/Office
Contact@afkashacabka,com