War Deg Deg Ah:-Dowladda Soomaaliya oo amartay in 7 maalmood dalkeeda kaga baxaan diblomaasiyiinta Kenya

0
Tuesday December 15, 2020 - 09:32:08 in by salman abdi
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Dowladda Soomaaliya oo amartay in 7 maalmood dalkeeda kaga baxaan diblomaasiyiinta Kenya

    War Deg Deg Ah:-Dowladda Soomaaliya oo amartay in 7 maalmood dalkeeda kaga baxaan diblomaasiyiinta Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Dowladda Soomaaliya oo amartay in 7 maalmood dalkeeda kaga baxaan diblomaasiyiinta Kenya

Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa gabi ahaanba u jartay xiriirkii dublamaasiyadeed ee ay al laheyd dalka Kenya.

War xalay saqdii dhexe ka soo baxay xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray dublamaasiyiinta Kenya ka jooga Soomaaliya in ay dalka uga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah halka kuwa soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu so laabtaan.

Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbeoo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay xiriirka u jareen.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe

XIGASHADA SAWIRKA,TELEFISHINKA QARANKA SOOMAALIYEED

Qoraalka sawirka,

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe

"Dowladda Soomaaliya iyaadoo ka duuleeysa madax-banaanideeda qaran ee uu dammaanad qaadaya xeerka iyo qeynuunka caalamiga ah, gudaneysana waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta qaranimada, midnimada iyo xasiloonida ka saaran dalka, waxay go'aansantay iney xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dowladda Kenya."

"Dowladda Soomaaliya waxay u yeeraneysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya iney dalka dib ugu soo laabtaan, waxayna ku amreysa kuwa Soomaaliya ka jooga dowladda Kenya iney dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maanta oo ay bisha ku beegantahay 15-ka Diseembar."

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay go'aankan u gaartay si ay uga jawaabto xad gudubyada siyaasadeed ee qaawan ee isdaba joog ah ay ku hayso dalkeena, dowladda Soomaaliya waxay xaqijineysa madaxbanaanida iyo qaranimada umadda Soomaaliyeed si waafaqsan shuruucda dalka iyo xiriirka caalamiga, wax gorgortan ahna dowladda kama galeyso xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada umadda Soomaaliyeed."

Go'ankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay warqad cabasho ah oo ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Soomaaliya ayaa dhawaan Kenya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliyana lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Maxamed Axmed Nuur Tarsan, wuxuu safiirka Soomaaliya ee Kenya noqday dhammaadkii sannadkii 2018-kii.



Maxamed Axmed Nuur Tarsan, wuxuu safiirka Soomaaliya ee Kenya noqday dhammaadkii sannadkii 2018-kii.

Halkuu ayuu ku dambeyn doontaa khilaafka Soomaaliya iyo Kenya?

Jibril Aw Maxamed oo arimaha Afrika ka dhiga Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dalalka ay is rixaan lakiin labadan dal ay daris yihiin ayna ka dhaxeeyaan dano badan iyadoo Soomaaliya iyo Kenyaba ay ku nool yihiin shacab u kala dhashay labada dal.

"labada dal ma kala maarmi doonaan oo suurogal ma ahan iney kala go'aan, waxayna ila tahay in culeyska haatan jiro uu ka yimid Soomaaliya oo haatan dowladnimadeeda soo noqoneyso oo u adkeysan la' farogelinta shisheeya gaar ahaan dalalka dariska la ah marka Kenya waxaa u dhadhami la in Soomaaliya ay tiraahdo naga daaya farogelinta iyo dhibaatada."

"Hase yeeshee ugu dambeyn arrintaan xal ayaa laga gaari doonaa wayna heshiin doonaan Soomaaliya iyo Kenya laakin waxay mari doontaa waddo dheer iyo geeddi socod arrintaasi lagu gaarayo xalkeeda."

Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee November waxaa mar kale soo cusboonaaday xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii ay dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeysay dhiggeeda Kenya in aysan u qaddarineynin sida dal la siman oo kale.

Xurgufta labada waddan ee soo socotay waxay kasoo billaabatay murankii xadka badda ee sannadihii lasoo dhaafay cirka isku shareerayay, walina kiiskiisa uu hor yaallo maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.

Laakiin arrimaha xiisadda hadda cusbooneysiiyay waxaa ka mid ah eedeynta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jeedisay Kenya inay taageerto maamulka Jubbaland, iyadoo la ogyahay in uu khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay uu ka dhaxeeyo madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedkaas.

Qodobbada kale ee ku gadaaman xasaradda labada dal ee dariska ah waa in Soomaaliya ay xayirtay ganacsigii qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaasoo xukuumadda Nairobi uu uga soo xaroon jiray dhaqaale xoog leh.