Jabuuti xal ma u heli kartaa khilaafka Soomaaliya iyo Kenya?

0
Thursday December 24, 2020 - 08:56:05 in by salman abdi
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti xal ma u heli kartaa khilaafka Soomaaliya iyo Kenya?

    Jabuuti xal ma u heli kartaa khilaafka Soomaaliya iyo Kenya?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti xal ma u heli kartaa khilaafka Soomaaliya iyo Kenya?

Dowladda Jabuuti oo loo xil saaray in ay xal ka keento Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sharraxaad ka bixisay tallaabooyinka ugu horreeya ee ay u qaadi doonto arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dowladdooda ay mas'uuliyad gaar ah ka saaran tahay soo afjaridda xiisadda u haxeysa labada dal ee dariska ah.

"Waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaa arrintaas lagu soo hadal qaaday waana la isku waafaqay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan dajinno xiisadda ka taagan gobolka," ayuu yidhi wasiirka.

Wuxuu sharraxaad ka bixiyay halka ay howsha loo igmaday ka billaabi doonaan.

"Barito waxaa dalka Jabuuti imaan doona wafdi heer sare ah oo isu jira saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin, kuwaasi oo ka imaan doona Soomaaliya, ujeeddada socdaalkoodana waxay ahaan doontaa in la qiimeeyo xaaladda xuduudda Belebxaawo iyo Mandheera. Tani waa howl ay dalka Jabuuti u igmadeen madaxda IGAD," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, ayaa maalintii Isniinta ee horaantii isbuucan isku arkay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ee ka dhacay magaalada Jabuuti.

Hoggaamiyeyaasha IGAD oo daneynayay in la dajiyo xiisadda labada waddan ayaa dalbaday in si deg deg ah loogu dhaqaaqo tallaabadaas.

Shuruud ku xiran dajinta xiisadda

.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhankeeda shuruud hor dhigtay qaboojinta xiisadda cirka isku shareertay isbuucyadii lasoo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, sheegay in madaxdii urur goboleedka ee IGAD ay Soomaaliya ku cadaadiyeen in ay oggolaato soo afjaridda khilaafka kala dhaxeeya Kenya, oo waliba lagu dhammeeyo IGAD gudaheeda.

"Dowladda Soomaaliya aad iyo aad ayey ugu diyaar garowday shirkan, waxayna diyaar u ahayd in eedeymaha ay usoo jeedisay Kenya ay kusoo bandhigto, kagana hadasho shirkaas. Hase yeeshee, madaxdii IGAD ee halkaas joogtay waxay aad cadaadis noogu saareen in arrinkan uu noqdo mid lagu xalliyo IGAD dhexdeeda, tallaabada ugu horreysana ay tahay in xaaladda la dajiyo," ayuu yidhi.

Laakiin wuxuu wasiirka sheegay in dhankooda ay shuruud ku xireen aqbalidda dalabka ku aaddan in xiisadda la dajiyo.

"Soomaaliya way oggolaaday dib u dajinta xiisadda, laakiin waxaan ku xirnay shuruud ah in guddi loo saaro arrimaha ay Soomaaliya ka tabaneysay. Arrimahaas qaarkood waan idinkala hadli karnaa qaarna waan ka gaabsan doonnaa - maadaama ay howshaasi wali socota - tan ugu culus uguna degdegta badan waxay ahayd mid ku saabsan jabhadda lagu soo abaabulay Kenya, sida aan annagu qabno, oo xuduudda dhinaceeda kale ku abaabulan, taasoo IGAD ay go'aan ku gaartay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro."

"Arrimaha kale ee ay Soomaaliya tabaneyso waa waxyaabo lagu xallin karo hadba sida ay u kala weyn yihii, nidaam diblomaasiyadeedna loo mari doono."

Waxyaabaha sii huriyay khilaafka labada waddan waxaa ka mid ah martiqaadkii uu madaxweynaha Kenya xaruntiisa madaxtooyada ugu sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu marti u yahay madaxweyne Muusa Biixi Cabdi.

XIGASHADA SAWIRKA,MADAXTOOYADA KENYA

Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu marti u yahay madaxweyne Muusa Biixi Cabdi.

Kenya ayaa booqashada Biixi kaddib shaacisay in ay heshiisyo la saxiixatay Somaliland, qodobbada ay ballan qaadeenna waxaa ka mid ahaa in la billaabo duullimaadyo toos ah oo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa.

Dadaalka ay hadda waddo dowladda Jabuuti ayaa maalmaha soo socda la eegi doonaa natiijada kasoo baxda.

Shir weyne kale oo ay mar kale isugu imaanayaan madaxda IGAD ayaa laga dhowrayaa in lagu gaaro guulo ku aaddan sidii loosoo afjari lahaa xurgufta Soomaaliya iyo Kenya.