Ninkasta oo taariikh ka tagay waxa guushiisa ka danbeyay qof dumara W/Q: Jibril Maxamed Ciise Muuse

0
Sunday November 09, 2014 - 10:48:05 in by salman abdi
  • Visits: 1905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkasta oo taariikh ka tagay waxa guushiisa ka danbeyay qof dumara W/Q: Jibril Maxamed Ciise Muuse

    Dumarka Waan jeclahay Waayo Ninkasta oo taariikh ka tagay waxa guushiisa ka danbeyay qof dumara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dumarka Waan jeclahay Waayo Ninkasta oo taariikh ka tagay waxa guushiisa ka danbeyay qof dumara

oo u hurtay wakhtigeedi uguna deeqday shaykasta oo ALLE iyada hibo u siiyeyay, qarniyadii ina dhaafay waxay taarikhdu inooga sheekaysaa rag muslimin iyo gaalaba ah oo inagoo caruura aynu ku baran jirnay iskuulada, lakiin markaan taariikhdoodi dib u baadhay waxa isoo baxday sir wayn taasoo ahayd inanay guusha ku gaadhin aqoontooda iyo raganimadooda ee ay jirtay gargaare ALLE usoo diray oo ah hooyo ama xaas wanagsan,

Nabi muxamed scw waxa guushisa loo tiriyaa khadija sidaaso kale ayaa abubakar ,cumar,cismaan,cali,cumar ibnu cabdicasiis, imaamu shafici,imaan axmed binu xanbal iyo qaar badan oo kale waxa guushooda loo tiriya ALLE ka sakow hooyo ama oori wanagsan oo horusocodka noloshoda u hurtay wax Allale wixii ay Awood u lahayd iyada oo ilowday waxkasta oo ay iyadu u baahnayd haday doonto xaq ha u yeelatee.

 


Hadii xata u nabi ku dhalay balse anay hooyo wanaagsani ku dhalin way adagtay inaad gulaysato waliba waxay u badantay inaad ehlu naar noqoto waayo naaska ay hooyadu ku siinayso waxa la socda camalka ay samayso tusaale ahaan haday hoyaada xan badantay caanaha naaska ee aad jaqayso waxa kuu raacaya xanta hooyada waxanad noqonaysa qof xan badan hadaad nasiib badantay waa hadii hoyaada cibaado iyo kheyr badantay caloosha iyo caanaha nasaha ayay kugu soo gudbinaysa kheyrka,

Qoraalkan sare ku qoran waxa daliil u ah ina nabi nuux waxa dhashay hooyo xun isagiina wuu xumaday wallow u dhalay rasuul umadiisa u baqayay 950 sano,nabi ismaacilna waxa u qabay gabadh calacal badan oo bilaa adkaysi xiligii ay la joogtayna horumar badan muu samayn balse xiligii ALLE uu u badalay ee uu siyay oori wanagsan waxa u bilaabay inuu si xoowliya oo xeeladi ku jirto u dhaqaaqo waxaanu gaadhay guulo waawayn,

Astamaha hooyada wanaagsan waxaan ku soo sheegay qoraalkii‘’dumarka waan jeclay kow hooyo’’qoraalka dumarka waan jeclay laba Marwo ,waxaan isku dayi doona inaan qeexo Astamaha gabadha wanaagsan ee sayigeeda u horseedi karta guul akhiro iyo aduun iskugu jirta,

üAstaanta kowaad waa inay xaaskaagu u haysato inaad isku qof kaliya tihiin macnaha waa inaydaan u xisaabtamin sidii laba qof waa inay u haysato guusheeda kama danbeysta ahi inay tahay gushaada iyo farxadada

üAstaan labaad waa inay wax badan ku dareensiin karto balse anay wax badan ku sheegin adiguna sidoo kale

üWaa inay tahay hoyga dhirigalinta kama danbeysta ah ee markay ku dhiiri galiso ay ku gali karto awood aad ku jiidhi karto buuraha adunyada u dhaadher

üWaa inay tahay hoyga farxadada oo wa inay awood u leeday ay kaga farxin karto qalbigagana ay ku gilgili karto

üWaa inay shaqadada jeclaata si kastoy u hoseyso ama u dhib badantay waana inay aqoon u yeelata shaqada ad hayso si ay kaga caawiso

üAstaanta u mihiimsan waa inay ku ducayso markasta waana inay tusaale noqoto xaga cibadada aad ku hirato marksata adigu, dad badan ayaa haystata dumar ay cibadadooda ku faraxsan yiin oo markasta u duceeya ana kuwaas ayaan ka mid ahay,

Hadaad haysato marwo wanaagsan waad nasiib badan tay hadii anad haysana ALLE waydiiso taada inuu kuu hagaajiyo ama ku badalo waayo nolosha wax badan ayaa ka dhiman oo ay ugu horeyso farxad la mida farxada janada laga helo oo kaliya,

Halkan waxaan uga ducaynaya xaaskayga oo iga caawisa waxyaabo badan oo nolosha ka mida, ii ahna hoyga farxada iyo dhiri galinta idinkana saxiib sidaas ayaan idin rajaynaya dhamaantiin iyo in dumarka loo naxariisto in badan waayo markaynu ka doonayno wanaag waa marka hore inaynu inagu wanaag samayno

Waad mahadsantii dhamaantiin xaaslayaasha iyo xaaslawaasha oonu rajaynayo in ALLE siyo gabdho wanagsan, dumarkana sidoo kale

Taladaydu waa dhalinyarow ha la guursado waa badbaado aduun iyo mid aakhiro,




W/Q: Jibril Maxamed Ciise Muuse

Email.jibrilmaxed@gmail.com

Phone;0634235805