Juventus Oo Gurigeeda Ku Xasuuqday Kooxda Parma, Xili Ay Nus Darsin Goolal Ah Afka Kaga Jiiday

0
Sunday November 09, 2014 - 21:55:33 in by Burco Office
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juventus Oo Gurigeeda Ku Xasuuqday Kooxda Parma, Xili Ay Nus Darsin Goolal Ah Afka Kaga Jiiday

    Juventus ayaa gurigeeda xasuuq xun ugu gaysatay kooxda Parma oo marti u ahayd, xigahaFernando Llorente, Carlos Tevez iyo Alvaro Moratta ayaa min laba gool ka dhaliyay Parma.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Juventus ayaa gurigeeda xasuuq xun ugu gaysatay kooxda Parma oo marti u ahayd, xigahaFernando Llorente, Carlos Tevez iyo Alvaro Moratta ayaa min laba gool ka dhaliyay Parma.



Tevez


Kooxda horyaalka Serie A da difaacanaysa ee Juventus ayaa gurigeeda ku soo dhawaysay kooxda Parma, Juventus ayaana doonaysay inay sii xejisato hogaanka horyaalka.

Juventus ayaana kulankan ku bilaabatay dardar xoogleh iyadoo qaybtii hore ee ciyaartaba saddex gool gosha u galisay kooxda martida ahayd ee Parma.

Daqiiqadii 23 aad ayuuPaul Pogba darbad xoogan meel 20 yard u jirta goolka Parma kaga soo tuuray, taas oo uu goolhaye Mirante iska fogayn kari waayay, waxaana kubbadii ka soo booday ka faa’iidaystay Fernando Llorente oo goolka kowaad u dhaliyay kooxda Juventus, natiijada ciyaarta ayaan noqotay 1:0 ay Juventus hogaanka kula wareegtay.llorente

Daqiiqadii 29 ayuu difaacaStephan Lichtsteiner kooxdiisa Juventus u dhaliyay gool aad u qurux badan, wuxuuna natiijada ciyaarta u badalay 2:0 ay Juventus hogaanka ku dheeraysatay. Intaa wixii ka danbaysayna Juventus ayaa u muuqatay inay ciyaarta dishay.


 

Fernando Llorente iyoStephan Lichtsteiner ayaa u muuqday inuu kulankani koodii yahay, waxayna markale kawada qayb qaateen goolka saddexaad ee Juventus.Fernando Llorente ayaa daqiiqadii 36 aad kubbad uu ka helayStephan Lichtsteiner kooxdiisa ugu dhaliyay goolka saddexaad isagoo natiijada ciyaarta u badalay 3:0. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3:0 ay Jeventus hogaanka ugu raaxaysanayso.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Juventus halkii ka sii waday bandhiga goolasheeda waxaana daqiiqadii 50 aad markiisa shabaqa soo taabtayCarlos Tévez , ciyaarta ayaana noqotya 4:0 ay Juventus ku dhibaataynayso Parma.Tevez

Goolasha daadka ah ee Juventus ayaa halkooda ka sii socday waxaana, waxaana markale goolkiisa labad Juventus u dhaliyay Tevez halka uu Alvaro Morata isna laba gool sii raacsaday. ciyaarta ayaan ku soo dhamaatay 7:0 ay Juventus ku gumaaday Parma. 

Contact@afkashacabka.com