'' Waa qasab in Soomaaliya iyo Kenya hagaajiyaan xiriirkooda"Ismaaciil Cumar Geelle

0
Tuesday March 09, 2021 - 13:45:34 in by salman abdi
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Waa qasab in Soomaaliya iyo Kenya hagaajiyaan xiriirkooda"Ismaaciil Cumar Geelle

    '' Waa qasab in Soomaaliya iyo Kenya hagaajiyaan xiriirkooda"Ismaaciil Cumar Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'' Waa qasab in Soomaaliya iyo Kenya hagaajiyaan xiriirkooda"Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya yihiin labo dowladdood oo aan si naba u kala maarmin sidaa daraadeed ay qasab tahay in ay heshiiyaan.

Isaga oo la hadlayay BBC ayuu sheegay in ay tahay arin muhiim ah in gobolka lagu wada noolaado nabad iyo xasilooni, madaama ayuu yiri labada dowladdood yihiin kuwo isku qasban oo waligood daris ahaanaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa kol hore ka carrootay warbixin ay soo saareen guddigii ay madaxda ka aheyd Jabuuti ee loo saaray xaqiiqo raadinta waxa ay isku hayaan labada dal Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dowladda Soomaaliya Jabuuti ku eedeysay in ay garab siisay Kenya.

Mar wax laga weydiiyay sababta uu ugu jawaabi waayay Soomaaliya ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle'' "Tan ugu horreysa, Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri 'idinkaa ugu dhowe bal soo eega', waan iska diidi karnay oo waan odhan karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay," ayuu yiri.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenaya ayaa wali hagaagsaneyn waxaana dhawaan la filayaa in maxkamada ICJ bilaawdo dhageysiga dacwadda Kiiska Badda ee muddada dheer u soo dhaxeeya labada dal, sidoo kale waxaan wali dhamaan xasarada ka oogan xudduuda oo ay Soomaaliya ku eedeysay Kenya in ay ku xadgudub ku heyso.