Gudaha:-Iskuulka Nuuraddiin Ee Hargeysa Oo Xukuumaddu Amaro Culus Dul Dhigtay.

0
Wednesday March 10, 2021 - 13:29:35 in by salman abdi
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Iskuulka Nuuraddiin Ee Hargeysa Oo Xukuumaddu Amaro Culus Dul Dhigtay.

    Gudaha:-Iskuulka Nuuraddiin Ee Hargeysa Oo Xukuumaddu Amaro Culus Dul Dhigtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Iskuulka Nuuraddiin Ee Hargeysa Oo Xukuumaddu Amaro Culus Dul Dhigtay. Guddi Wasaaradda Waxbarashada Somaliland u xil saartay dhacdadii ka dhacday Dugsiga Nuuradiin ee Hargeysa ayaa soo saartay go’aamadan. 1. In laamaha denbi baadhista iyo dacwad oogista qaabilsan ee Ciidanka Booliisku baadhis qotodheer oo degdeg ah ku sameeyaan dhacdadan. Isla markaana dacwad lagu oogo cid kasta oo ku lug lahayd khasaaraha dugsiga loo geystay, si waafaqsan shuruucda dhaqangelka ee dalka. 2. In mulkiilaha dugsigu siiyo maamulaha dugsiga madaxbannaani fulineed oo buuxda; si maamuluhu u helo awoodo maamul oo uu go’aan kaga gaadhi karo dhacdooyinka maalinlaha ah ee dugsiga una guto xilkiisa shaqo sida ku cad qodobka 103aad ee Xeerka Waxbarashada Qaranka Lr.77/2018. 3. In waalidiinta si dhaw ula socdaan xaalada waxbarasho ee ardayda. Isla markaana ka qayb-qaataan dhismaha Guddi Waalidiinta Dugsiga oo door muuqda ku yeesha horumarinta iyo maamulka dugsiga iyo waliba hawlaha waxbarasho ee lagu kobcinayo garaadka ardayda dugsiga. 4. Guddidu waxa ay go'aamisay inaan ardayda laga qaadi karin lacag aan ahayn feega bisha 5. Waxa la farayaa maamulka dugsiga wiilasha ee Nuuradin iyo dugsiyada kale ee dalka in aan ardayda laga qaadi karin lacago ka baxsan feega dugsiga, haddii aan ogolaasho qoraal ah laga haysan Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 6. Guddidu waxay go'aamisay in baadhis dheeraad ah lagu sameeyo Buugaagta Manhajka Qaranka oo lagu xardhay magaca Dugsiyada Nuuradiin, iyagoo aan ogolaansho laga haysan Wasaaradda Waxbarashada; isla markaana ardayda dugsiyada Nuuradiin dhigata ku qasba inay iibsadaan buugaagtaa ay Nuuradiin ku qoran tahay oo keliya. Kuwaasoo lagu iibiyo qiimo aad uga sarreeya, kaas oo xad-gudub ku ah hanaanka dhaqaale ee suuqa xorta ah. Sidoo kale guddu waxay goaamisay in dugsiga Nuuradiin joojiyo iibka buugtaa laga bilaabo marka goaankani soo baxo. 

7. In maamulka dugsigu aanu ardayda iyo waalidiinta wax talaabo ah ka qaadin ilaa inta baadhista hay’adaha nabadgelyadu soo dhammaystirmayaan. 
8. Guddida waxa u caddaatay in tirada ardayda ah fasalada dugsiga wax-ku-bartaa ay aad uga badan yihiin tirada ay waajibiyeen Siyaasada Waxbarashada Qaranka iyo Hab-raaca Xanuunka KALA-ROORA (COVID19) oo labaduba waajibiyay inuu arday waliba helo mitir laba jibaaran (Tusaale ahaan fasalka cabirkiisu 48 mitir oo laba jibaaran, waxaa markiiba wax ku dhigan kara 45 arday ugu badnaan). Sidaa awgeed, waxaa maamulka dugsiga Sare ee Nuuradiin (wiilasha) la farayaa inuu ardayda dugsigaa dhigata ku jaangooyo sharciga. Halkaasoo ardayda dugsiga Wiilasha ee Nuuradiin loo kala qaybin karo labada gelin ama in dugsigu kiraysto dhisme kale.

9. Si dhawro haybadda goobaha waxbarasho ee nidaam sharciga waafaqsan ku shaqeeya, maanta laga bilaabo cid kasta oo ku kacda magac-gub been abuur ah oo lagula kacay goob waxbarasho waxaa lagu oogi doonaa dacwad ciqaabeed. Iyadoo wasaaraddu dhiirigelinayso in qof kasta oo goob waxbarasho dhaliilaya ama ka cabanayaa uu qoraal rasmi ah u soo gudbiyo xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada ama ay soo wici karaan Xarunta Wicitaanka Dadwaynaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo lambarkeedu yahst 9666 Kaasoo laga soo wici karo dhamaan shirkadaha is-gaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya. 

10. Guddidu waxa ay go’aamisay in arday kasta oo ay ku caddaato rabashadihii dugsiga ka dhacay ay wasaaraddu si gaar ah uga qaadi doonto talaabooyinkan:- 10.1. In aan loo ogolaan in uu ka qayb-qaato deeqaha waxbarasho ee gudaha iyo dibaddaba oo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha kale ee dawladu bixiyaan. 10.2. In aanay ka qayb-gelin tartanada goobaha waxbarashada sida ciyaaraha, kedisyada iwm guddo iyo dibadba. 

11. Guddidu waxa ay go’aamisay in macallimiinta iyo maamulka ay ku caddaato inay ka qayb galeen ama iyagoo ka-hortagi kata joojin waayay rabashadii dugsiga ka dhacay ay wasaaraddu si gaar ah uga qaadi doonto talaabo sharciga waafaqsan 
12. In dugsiga Wiilasha ee Nuuradiin la furo Sabtida 13/03/2021. 
13. Fulinta iyo dabagalka go'aamadan waxaa masuul ka ah gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Maroodi Jeex iyo Degmada Hargeysa. 
14. Go'aankani waxa uu soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 10/03/2021. 
Xubnaha Guddida 
1. Xuseen Cabdi Cawil Guddoomiye 
2. Sucaad Maxamed Cabdi Gudd ku-xigeen. 
3. Cabdiqadir Cabdilahi Jaamac (Jeex) Xubin
4. Yuusuf Xuseen Maxamed Xubin
5. Cabdikarim Xasan Maxamed Xubin 
6. Aamina Casayr Magan Xubin 

Allah Mahad leh