Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulamaya

0
Wednesday March 31, 2021 - 13:33:39 in by salman abdi
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulamaya

    Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulamaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulamaya

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in xarunta Villa Hargeysa kulan ku yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib kulankii Sabtida ee buuqa ku soo idlaaday.

 

 

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ajandaha kulanka maanta ku sheegay cudurka Covid19, u codeyn laba xubnood oo guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo u codeyn sharciga Qaxootiga Qaranka.

 

Ajandaha fadhiga maanta ayaa lagu soo kordhiyay qoddobka u codeynta sharciga Qaxootiga Qaranka oo aan horay uga mid aheyn fadhiggii Sabtiddii toddobaadkan baaqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa 15 xildhibaan oo ka tirsan Golaha ka mamnuucay in ay soo xaadiraan shan fadhi oo ka bilaabanayo kan maanta ay yeelanayaan mudanayaasha, isaga oo ku eedeeyay in ay fowdo iyo buuq ka dhax abuureen Golaha dhaxdiisa.

Laakiin xildhibaannadan laga mamnuucay kulamada Golaha Shacabka ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen ku sheegay in ay tagi doonaan dhamaanba fadhiyada Baarlamaanka, gaar ahaan kan maanta oo Arbaco ah furmaya.