Canfarta oo dagaalkii shalay ku eedeysay Jabuuti iyo Soomaaliya:

0
Wednesday April 07, 2021 - 10:00:50 in by salman abdi
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Canfarta oo dagaalkii shalay ku eedeysay Jabuuti iyo Soomaaliya:

    Canfarta oo dagaalkii shalay ku eedeysay Jabuuti iyo Soomaaliya:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Canfarta oo dagaalkii shalay ku eedeysay Jabuuti iyo Soomaaliya:
Marka laga soo tago dacaayadaha labada dhinac, eedaymaha kulul iyo warbaahinta qalaad, ma jirto idaacad dawladeed ama mid gaar ah oo ay Itoobiya leedahay oo xil iska saartay dagaalka khasaaraha xooggan dhaliyay ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.
Canfartu waxa ay ku doodaysaa in dagaalka ay qayb ka yihiin ciidamo laga keenay Jabuuti iyo Soomaaliya.
"Dagaalka waxa maalgelinaya Ismaaciil Cumar Geelle si uu u qaato Webiga Awaash ama uu uga dhigto olole doorasho," ayaa meelo badan lagu baahiyay.
Soomaalidu dhinaceeda, waxa ay isla dhex maraysaa libinta ay dagaalka ka gaadhay. Waan dilnay, waan jebinnay, waan eryannay!
Haddana, labada dhinacba waxay qorayaan "jooji dilka reer guuraaga."
Warbaahinta Itoobiya iyo dawladdu waxa ay mar kasta ka warrantaa xal u raadinta dilalka ka socda Badhtamaha Shewa, Bariga Wollegga iyo Metekel. Si la mid ah, Soomaalida iyo Canfartu waxa ay u baahan yihiin dabool warbaahineed (media coverage) oo dhammaystiran.