Al-shabaab oo saakay weerar ka geystay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe

0
Thursday April 08, 2021 - 10:11:04 in by salman abdi
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo saakay weerar ka geystay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe

    Al-shabaab oo saakay weerar ka geystay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-shabaab oo saakay weerar ka geystay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen subaxnimadii hore ee saakay barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa weeraray Barkoontarool oo taalay deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay waxaana ay goob joogayaal sheegeen in weerarkaasi ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Iska horimaad culus oo labada dhinac dhaxmaray kaddib ayaa lagu waramayaa in saacado kooban Al-shabaab la wareegeen Koontaroolka weerarku ka dhacay, inkastoo markii danbe ay isaga baxeen.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha Dhexe.