Dowladda federalka oo sheegtay in ay dishay madaxii Alshabaab ee qaraxyada gobolka Shabeellada dhexe

0
Sunday April 18, 2021 - 16:42:34 in by salman abdi
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda federalka oo sheegtay in ay dishay madaxii Alshabaab ee qaraxyada gobolka Shabeellada dhexe

    Dowladda federalka oo sheegtay in ay dishay madaxii Alshabaab ee qaraxyada gobolka Shabeellada dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda federalka oo sheegtay in ay dishay madaxii Alshabaab ee qaraxyada gobolka Shabeellada dhexe Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shitaqeey ayaa sheegay in Howlgal lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

 

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalkan ka fuliyay inta udhexeeysa Jowhar iyo Balcad, halkaas oo dhawaan ay ku dhinteen 17 qof oo shacab ah oo ay miino kula kacday iyagoo la socday gaari ay ku safrayeen.

Taliyaha Guutada 3-aad ayaa sheegay in ay qaarajiyeen madaxii qaraxyada Gobolka Shabeelaha dhexe u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab iyo mid kamid ah ilaaladiisa. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba kale sida uu u sheegay Idaacadda Ciidamadda qalabka sida.

Wadada Jowhar iyo Balcad ayaa kamid ah meelaha ugu halista badan ee lagu beegsado ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Alshabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada kolonyada ciidamada, waxayna sidoo kale miinooyin ku aasaan wadada hareeraheeda, iyagoo la beegsada ciidamada halkaas mara. Balse mararka qaar waxay khasaare kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee wadadaas ku safra.

Dowladda federalka ayaa hadda dib u dhis ku wada wadada Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ammaankeeda sugaya ciidamada Haramcad.