Rasmi: Schweinsteiger Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxda Bayern Munich

0
Wednesday November 12, 2014 - 08:48:47 in by Burco Office
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi: Schweinsteiger Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxda Bayern Munich

    Laacibka waaya araga ah Bastian Schweinsteiger ayaa mudo dheer kadib dib ugu soo laabtay xarunta tababarka kooxda Bayern Munich, wuxuuna xidigan muujiyay inuu si wanaagsan uga soo kabtay dhaawacii ragaadiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka waaya araga ah Bastian Schweinsteiger ayaa mudo dheer kadib dib ugu soo laabtay xarunta tababarka kooxda Bayern Munich, wuxuuna xidigan muujiyay inuu si wanaagsan uga soo kabtay dhaawacii ragaadiyay.


Bastian


Kabtanka xulka Jarmalka dhaawac dhanka jilibka iyo qoobka ayaa la dageen dhaawanahan welina xili cayaareedkan kooxdiisa Bayer wax kulan ah uma uusan safanin, inkastoo markii hore laga cabsi qabay inuusan sanadkan 2014 garoomada kasoo muuqan doonin hadana Bastian si lama filaan ah ayuu tababarka kooxdiisa uga soo muuqday.

30-jirkan ayaa rajo wanaagsan ka qabo labo todobaad kadib marka laga soo laabto kulamada xulalka aduunka cayaari doonaan inuu kooxdiisa Bayern u safto.

Sidoo kale soo kabashada Schweinsteiger waxaa xaqiijiyay masuulka ugu sareeyo Bayern Karl-Heinz Rummenigge oo ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay awood dheeraad ah yeelan doonto marba hadii Bastian uu soo laabtay wuxuuna yiri.

"Nasiib wanaagsan Bastian caafimaadkiisa waa taam sidoo kalena waa arin farxad leh inuu tababarka kooxda kusoo laabtay waxaana rajeynaa inuu awood dheeraad ah nagu soo kordhin doonoā€¯


Contact@afkashacabka.com