Xamse Cumar Kujoog Oo Daaha Ka Qaaday Dhaqano Foolxun Oo Ciidamada Boolisku
Xamse Cumar Kujoog Oo Daaha Ka Qaaday Dhaqano
Foolxun Oo Ciidamada Boolisku Askari aan shaqadiisa aqoon iyo dhacdadii gabadha la qaawiyay!.
Dhawr cisho kahor ayay ahayd markii uu waddo aan marayay uu igu joojiyay askari boolis ah oo dirays
xidhnayn se saldhig hortii kasoo kacay, waxa uu i waydiiyay buuggaygii iyo Liisankii gaadhiga, kaddib waxa
aan waydiiyay inuu ka mid yahay ciidanka nabadgelyada waddooyinka iyo in kale, waxana uu ii sheegay in
aanu ka mid ahayn, kaddib waxaan ku idhi xaq uma lihid inaad i waydiiso buugga iyo liisanka ee shaqadaada
kolka hore soo baro.
Maalin kale oo aan fogayn ayaa xarun dawladeed aniga oo ag maraya oo aayar soconaya waxa aan ku war helay
askari albaabka igaga soo qaylinaya oo ereyo cay iyo aflagaaddo ah ku dhawaaqaya, kolkii aan istaagay ee aan
waydiiyay waxa dhacay waxa uu igu yidhi "Si naf leh u soco oo meesha dhaaf". Waxa aan waydiiyay meesha
uu ku qoran yahay sharciga diidaya in aan aayar socdo, sidoo kale waxa aan waydiiyay meel ay ku qoran tahay
wax sheegaya xawaaraha meeshan lagu maraa ee loogu talo galay. Askarigii wuxuu iigu jawaabay inta uu
qorigii degta kala degay, "Soco adeer annaga ayaa sharci ahe" waxaan idhi "Waayahay adeer!".
Labadaas dhacdo waxa i xasuusiyay qoraalka boolisku ka qoreen gabadha askarigu sida foosha xun suuqa
badhtankiisa ugu garaacay, cawradeediina uu bannaanka u dhigay, si Islaamnimo iyo Soomaalinnimo midna aan
ku qummanaynna uu ula dhaqmay.
Qoraalkaas waxa iiga soo baxay dhawr qodob.
1. Waxa hadalka lagu bilaabay afgobaadsi "muwaadiniinta xariirta ah ee wada shaqayntu ka dhaxayso" ayaa loo
sheegay bilowgiiba in gabadhu ay Oromo ahayd!. Oromo! Oromo in ay tahay miyaanay ka horrayn in ay
bini'aadam tahay? Miyaanay xaq u lahayn in karaamadeeda qofnimo iyo ta dumarnimo loo ilaaliyo? Miyaan
qaar hore oo Soomaali ah oo weliba reer Hargaysa ah sidan oo kale loo garaacin? Ereygaas bal hadda idinku
micneeya, mise qoloda caadifadda ku shaqaysa ayaa la rabay in loo muujiyo in qaranka la difaacayay?.
2. Waxa qoraalka lagu sheegay in Oromada la mustaafuriyo, gabadhuna ay ninkeeda oo la qabanayay ay
difaacaysay. Waxa aan is waydiinayaa shaqada dadka ajaanibka ah ee dalka ku nool sharci ama sharci darro ma
booliska ayaa leh mise waxa leh ciidanka laanta socdaalka? Labada dhacdo ee aan sheegay ayaa igu soo dhacay
oo waxa muuqata in aan shaqooyinka la kala lahaynba!
3. In gabadhu ay dagaalka bilowday oo ay koox wadatay ayaa la sheegay, sidoo kale in askariga la weeraray oo
isaga laga gardarnaa ayaa hadalka ku cad, waxa ay i xasuusinaysaa inantii berigii dhawayd askarigu sida
anshaxa ka baxsan aniga oo taagan uu u dilay ee la yidhi iyadaa ciidanka weerartay oo saddex ayay
dhaawacday. Waxa aan is waydiinayaa dadkan ciidanka uun weerarayaa maxay ahaayeen? Miyaan ciidanku
aadame qaldama ahayn? Kol kasta ma sidan ayay siddi muldhukh u yihiin oo walaga gardaran yahay uun? Mise
wax kalaa jiraa oo sixid u baahan?.
Ciidankeennu ma wada xuma, mana wanaagsana oo in badan oo aan shaqadooda aqoon ayaa ku jirta, in kale oo
nadiif ahina way ku jirtaa, kolkaa haddii la yidhaahdo waar sixid ayaad u baahan tihiin oo qaabkan qaarkiin u
dhaqmayaan waa foolxumo ma ciidanka ayaa la daba gurayaa?
Taliyuhu maalintii dhawayd waa kii hadlaye qoraalkaygan u sheega inaanu ahayn maagis iyo ciidan wax laga
sheegay ee uu yahay uun waydiimo maskaxdayda ka guuxayay oo aan kor isu waydiiyay illeen dadka qaar ayaa
kolka ay isla sheekaysanayaan codku ka yar dallacmaaye.
Waxa qoray Xamse Cumar Kujoog
Xamse Cumar Kujoog Oo Daaha Ka Qaaday Dhaqano Foolxun Oo Ciidamada Boolisku
Xamse Cumar Kujoog Oo Daaha Ka Qaaday Dhaqano Foolxun Oo Ciidamada Boolisku