Diyaaradaha Kenya oo duqeymo culus ka geystay deegaano badan oo ka tirsan Gedo

0
Thursday June 03, 2021 - 11:41:53 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Kenya oo duqeymo culus ka geystay deegaano badan oo ka tirsan Gedo

    Diyaaradaha Kenya oo duqeymo culus ka geystay deegaano badan oo ka tirsan Gedo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha Kenya oo duqeymo culus ka geystay deegaano badan oo ka tirsan Gedo Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi aay duqeymo xoogan ka geysteen diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya Xalay saqdii dhexe.

 

Diyaaradaha Kenya ayaa duqeyay dhowr deegaan oo ku yaala gobolka Gedo oo aay ku nool yihiin dad u badan Xoolo dhaqato.

Deegaanada duqeymaha ka geysteen diyaaradaha Kenya waxaa ka mid ah Wargaduudo, Qulqul, Shubaal, Balanbaal Muudale Ceelcade, Laheley, Darusalam, Buusaar, iyo Cows qurun oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeymahaasi ku dhintay Hooyo iyo wiilkeeda taasi oo la sheegay in lagu magacaabi jiray Sahro Aadan Warsame, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 6 ruux oo kale oo la sheegay iney u badan yihiin Caruur.

Deegaanada aay duqeymaha ka dhaceen ayaa lasoo sheegaya in saaka aay Isgaarsiinta hawada ka maqan tahay, waxaana la sheegaya in khasaaraha uu intaasi kasii badan karo.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in wali deegaanada qaar laga maqlayo duqeymaha diyaaradaha Kenya.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo oo ku aadan duqeymaha diyaaradaha kenya ka geysteen Xalay iyo saaka deegaano badan oo ka tirsan Gedo.