Baarlamaanka Ingiriiska Oo Bogaadiyey Hannaanka Dimuqraadiyada Somaliland.
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Bogaadiyey Hannaanka Dimuqraadiyada Somaliland. Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo xukuumadda Somaliland
hamnaankii daah-furnaanta iyo nabadgelyada ahayd ee ay ugu guulasyteen qabsoomida doorashooyinkii
Baarlamaanka iyo Deegaanka, caddayna ay u tahay dimoqraadiyadda Somaliland.
Xildhibaan Stephen Doughty, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha, isla markaana qeyb ka ah
xildhibaano u ololeeya qadiyadda Madax-banaanida Somaliland ayaa fadhi baarlamaanka Ingiriisku lahaa
shalay ku weydiiyey sida xukuumada Ingiriisku u aragto doorashadii ka dhacday Somaliland, iyo taageerada ay
ka geysteen.
Mr James Duddridge oo ah Wasiirka Afrika u qaabilsan xafiiska Iskaashiga Caalamka iyo Barwaaqo-sooranka
oo ka jawaabay ayaa yidhi, "Boqortooyada Midowday waxay ku bogaadineysaa shacabka iyo Xukuumadda
Somaliland sida wanaagsan ee ay ugu guuleysateen doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka 31-kii
May, isla markaana daah-furnaanta iyo nabadgelyada ee hawsha cod-bixinta u dhacday, taasina ay caddeyn u
tahay sida ay Somaliland uga go’an tahay dimuqraadiyadda.”
Mr Duddridge ayaa sheegay in hanaankii doorashooyinku Somaliland ugu dhaceen ay ahayd ammaan iyo
xassillooni mudan in la soo dhoweeyo, waxaanu yidhi, "Amniga iyo xasilloonida Doorashada, musharixiinta
beelaha laga tirada badan yahay iyo dhalinyarada waa horumar la soo dhoweyn karo.” Ayuu yidhi, isagoo
raaciyey.
"Boqortooyada Midowday door hoggaamineed ayey ka ciyaartay geedi socodka doorashada, kuna taageertay
2.8 Milyan dollar oo lagu taageerayey kharashyada asaasiga ee doorashada iyo maalgelinta Howlgalki
Goobjoogeyaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka.
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Bogaadiyey Hannaanka Dimuqraadiyada Somaliland.
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Bogaadiyey Hannaanka Dimuqraadiyada Somaliland.