Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay heshiiska ganacsi ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

0
Monday June 21, 2021 - 13:10:22 in by salman abdi
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay heshiiska ganacsi ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

    Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay heshiiska ganacsi ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay heshiiska ganacsi ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo wax soo saarka dalka, taaso kor u qaadeyso dhaqaalaha dalka fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalkeenna, dalalka dariska uu ku saleysan yahay isu dheellitirnaan iyo wax wada qabsi, iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka.

Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kalluunka maanta loo iib geeyey Itoobiya ee qeybta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee Labada dal Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey madaxda dalka mudnaanta ay siinayaan xal u helista caqabadaha ku xeeran ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso suuq-geynta heer gobol iyo jaangooynta fursadaha.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga aan la wadaagno dalalka dariska ah iyo xoojinta wax soo saarka, taasoo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax soo saarka kale ee dalka ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu si weyn u bogaadinaayo suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka wax soo saarka gudaha dalka.