Maamulka Putland Oo Sheegay In Ay Gabi Ahaanba Baabiiyeen Fadhiiso Ay Ururka Daacish Ku Lahayd Gudaha Putland Iyo Gobolka Bari

0
Thursday July 15, 2021 - 17:30:25 in by salman abdi
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Putland Oo Sheegay In Ay Gabi Ahaanba Baabiiyeen Fadhiiso Ay Ururka Daacish Ku Lahayd Gudaha Putland Iyo Gobolka Bari

    Maamulka Putland Oo Sheegay In Ay Gabi Ahaanba Baabiiyeen Fadhiiso Ay Ururka Daacish Ku Lahayd Gudaha Putland Iyo Gobolka Bari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Putland Oo Sheegay In Ay Gabi Ahaanba Baabiiyeen Fadhiiso Ay Ururka Daacish Ku Lahayd Gudaha Putland Iyo Gobolka Bari Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dhammaan xarumihii kooxda Daacish ay ku lahaayeen gudaha Puntland, kadib markii ciidamada amnigu ay qaadeen howlgal socday muddo labo todobaad ah.

Wasiirka amniga oo shar jaraa’id ku qabtay magaalada Bosaso, ayaa sheegay in ay ciidamada cagta mariyeen saldhigyadii Daacish howgalada kasoo abaabuli jireen islamarkaana la burbyriyay gaadiidkii ay isticmaali jireen iyo Saadkii u kaydsanaa.

Wasiirka wuxuu sheegay in la dilay qeybo badan oo kamid ah dagaalamayaashii Daacish iyo saraakiishii u qaaabilsanaa howgalinta iyo miinada sameynta oo ay ku jiraan ajaanib iyo Soomaali kale.

Gallan wuxuu sidoo kale inay ciidamadu ku guulaysteen howlgal kale oo dhacay bishii june oo lagu burburiyay saldhigyo kooxda Alshabaab ku lahaayeen buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Labo askari oo kamid ah ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday guud ahaan howlgaladaan, halka toban kalena ay ku dhaawacmeen.