"waxaanan kula talinaynaa inay dib uga noqoto cabsi galinta ka dhanka ah suxufiyiinta" Dawlada Maraykanka

0
Saturday November 15, 2014 - 08:45:02 in by salman abdi
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "waxaanan kula talinaynaa inay dib uga noqoto cabsi galinta ka dhanka ah suxufiyiinta" Dawlada Maraykanka

    Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay xadhigga wariyayaal dhawaan lagu xidhay Magaalooyinka Gabiley iyo Gar-adag, kuwaasi oo xukuumadda Somaliland ku eedaysay inay faafiyeen warar been abuur ah oo nabadgalyada waxyeelaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay xadhigga wariyayaal dhawaan lagu xidhay Magaalooyinka Gabiley iyo Gar-adag, kuwaasi oo xukuumadda Somaliland ku eedaysay inay faafiyeen warar been abuur ah oo nabadgalyada waxyeelaya.


Wakiilka gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Brian Phipps ayaa qoraal uu u soo diray wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, isla-markaana lagu baahiyey Warbaahinta Internet-ka, ayaa walaac lagaga muujiyey xadhigga saxaafadda Somaliland ee soo noqnoqdey, inkasta oo safiir Brian Phipps uu si gaar ah uga hadlay in xadhigga saddexda wariye ay ka dhasheen guriga xukuumaddu kala wareegtay mulkiilaha telefiishanka HCTV, Farxaan Xaaji Cali oo uu xusay inuu yahay muwaadin haysta dhalashada Maraykanka.

Wakiilka Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa qoraalkiisa ku yidhi "Sida ka soo noqotay xuska maalinta saxaafadda Somaliland, Nov 9, waxaan dareensiin lahaa korodhka xadhigga wariyayaasha ee soo baxaya. Sidaad ogtihiin 30-kii October Xukuumadda Somaliland waxa ay xidhay Mukhtar Nuux Ibraahim oo ka shaqeeya HCTV, Maxamed Xasan Sheekh Somsat iyo Ifraah Xaaji Maxamed oo iyana ah HCTV. Warbixinahan waxa lala xidhiidhinayaa talaabadii xukuumaddu gurigiisa kaga saartay Mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali, kaasoo ah muwaadin Maraykan ah, waa arrimo gaar gaarkooda walaac u muujinaya inay xukuumaddu ku beegsanayso”


Wakiilku waxa kale oo uu sheegay "Waxaan jeclaan lahaa inay Somaliland xasuusino inay qaado talaabo ay ku meel mariso fursadaha ay ballan qaaday oo xorriyadda saxaafadda oo ku qeexan Dastuurka, waxaanan kula talinaynaa inay dib uga noqoto cabsi galinta ka dhanka ah suxufiyiinta” ayuu yidhi, Brian Phipps 




Contact@afkashacabka.com