Lug-gooyo WQ: Bashiir Raacdeeye

0
Saturday November 15, 2014 - 17:42:33 in by salman abdi
  • Visits: 1269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lug-gooyo WQ: Bashiir Raacdeeye

    Hadba degaan nololeedka aad ku jirto ayaa bare kuu ah.isaga ayaa saamayn kugu leh.nafta iyo qalbigana raadweyn ku leh.gugii aan fasalka 4aad ee dugsiga sare ku jiray,waxa igu kacay dabaylo iyo duufaano,hiyi-kac iyo laabla-kac,werwer iyo cidhiidhi,niy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadba degaan nololeedka aad ku jirto ayaa bare kuu ah.isaga ayaa saamayn kugu leh.nafta iyo qalbigana raadweyn ku leh.gugii aan fasalka 4aad ee dugsiga sare ku jiray,waxa igu kacay dabaylo iyo duufaano,hiyi-kac iyo laabla-kac,werwer iyo cidhiidhi,niyad jab iyo feker badan.


Waxaan nacay waxbarashidii oo aan jecla.waxaan nacay dirayskii dugsiga.waxaan karaahiyaystay dugsigii.waxaan bartay jaritaankii iskuulka.haddaan iskuulka tagano caajis iyo cadho ayaan ka soo qaada.duruustii ayaa dayacay.habsan ayaan bartay. waalidkayna ma oga waayo layguma ogayn dhaqankan ugub.

Magaaladii ayaan nacay.dalkii ayaan nacay.waan maqanahay.maskaxdayda iyo laabtaydu dalka ma jogaan.dhib ma qabo.ciil kumaan korin.cidhiidhi nololeed ilama darsin.waxaan ka soo jeeda qoys ladan.aabahay waa ganacsade caan ah.nolol wacan ayaan ku barbaaray.dhib iyo rafaad weligay lamaan kulmin.waxaan ahay curad.waxbarsahada iyo dugsiga waan jeclaa, laakiin hadda laabtaydu dhoof ayay u guuxaysa.dhulkayga hooyo waan jeclaa,laakiin hadda aad ayaan u necebahay inaan ku noolado.afkayga hooyo waan ku faani jiray,laakiin hadda afafka qalaad gaar ahaan engiriisida ayaan ka xiiseeya,sidaan xaalka ugu jiray ayaa imtixaankii nuska hore ee dugsiga la galay.natiijo aan la iga filayn ayaan keenay.aabahay ayaa warkii loo sheegay.aad ayuu uga cadhooday natiijada aan keenay imtixaankii.aabahay waa uu I waaniyay.dadaal ayuu igu dhiirigeliyay ,laakiin waanada aabahay dhegtaydu ku raaxaysan mayso.laabtayda laydhkii iyo kulaylkii ka shidnaa ayay ku laban-laabtay.

Anigu waxbarsho umaan jeedo.dhulkaygana inaan ku noolado diyaar uma ihi.shandadu way ii xidhxidhan tahay xilligaas aabahay waxbarashada iyo inaan dadaalo ayuu igu dhiirigelinayo. Laabtaydu waxay doonaysa inay dhoofto waayo dalkii waan nacay.

jidhkaygu waxa uu jooga dhulkii hooyo qalbigayguna waxa uu ka shaahayaa maqaaxiyahay yurub!.waxaan ahay ruux socdaal ah balse waxa igu adag habkii aan yurub ku geli laha aabahayna arinka "dhoof-ka” lama maqashiin karo.in badan ayaan ka fekeray sidii aan u samayn lahaa qorshe aan yurub ku galo.waxaan se go’aan ku gaadhay inaan tahriibo.

wax lacag ah ima diyaarsana,gacantaydana kuma jirto balse qorshe ayaan laabta ku haysta aan lacag ku heli karo.qorshahaas oo ah inaan aabahay lacag ka xado marka uu furaha ii dhiibo waayo aabahay aad ayuu iigu kalsoon yahay.muddo ayaan sugay sidii aan fursad ku helilahaa,laakiin gabagabadii waxaan helay fursad wacan waxaanan gacanta ku dhigay lacag dhan $700.xilli galab ah ayaan lacag xaday.habeenkii ba waxaan raacay gaadhiga qaadka ee burco iyo hargaysa isaga goosha.waxaan guure ku soo galay hargaysa.albeerko ayaan seexday.subaxii ayaan kacay abbaaro 8;00AM.si dhakhso ah ayaan u diyaar garoobay aniga oo baqaya.kumaan hakan magaalada e markiiba gaadhi ayaan ka raacay oo si nabad ah ii geeyay wajaale.maan jeclayn inaan wakhti lumiyo.waxaan doonayay inaan xadka ka gudbo si aan u yareeyo cabsida ah in layga daba yimaaddo.wajaale ayaan gaadhi ka raacay 2;30PM.gaadhiga dad baan ayaa saaran oo soomali ah gaar ahaan dhalinyaro u badan.garan mayo ujeedkood iyo wajiyadooda,laakin waxaan gartay inay tahriib yihiin oo ay yurub ku socdaan,arinkaas oo ah mid laabta I dajiyay waayo rafiiq ayaan helay aan af-garanayo.saaxibo ayaan ka samaystay gaadhigii ila-ujeeddo ah oo yurub u socda.

Itoobiya markaan galay ayaan aabahay la soo hadlay si aan uga dhaadhiciyo inaan tahriibay,laakiin aabahay warka waa helay inan socday igamana hor iman,waxaan rabayna dood badan kamuu samayn balse si weyn ayuu uga soo horjeeday,kumana faraxsanayn laakiin beer wax dhalay yuu noqday oo wuu I naxariistay waxaan ka doonayayna iguma diidin,warkiina waxa uu igu soo koobay eray ilaa maanta aan laabtayda ka guurin "aabe .nin weyn ayaad tahay oo wax kala garan kara ,mar haddii ad tahriibtay bal markad yurub gasho nala soo hadal” eraydaas ayuu aabahay igu soo koobay hadalkiisi iyo dardaarankiisi.

Intii aan itoobiya joogay waxbadan ayaa I kordhay waayo wax badan ayaan maqlay.xog badan ayaan helay.markasta ,waxaan maqli jiray " doon ayaa qarqoontay oo cidi kama badbaadin iyo saxaraha ayaa dad soomali ah oo tahriib ah lagu daadiyay oo haraad ugu bakhtiyay,qaar ayaa "ma’gafe” adoonsaday.dumar ayaa jidka lagu kufsaday” wararkaas yaan ka seexan waayay habeenkii balse dhibka iyo hadimada tahriibka laga soo sheegayo waxaan ka jecla "dhoof ” .waxa se I bidhaamay dhibka tahriibka.waxaan ku riyoon jiray habeenkasta riyo aan wacnayn ,inta badan waxaan ku riyoonjiray " anigo badda ku dhintay! Ama saxaraha haraad ugu bakhtiyay!”.

Habeen sabti ah ayaan itoobiya ka baxay.waxa ila socda 6 qof oo dhalinyaro soomali ah, 2 hablood iyo 4 wiil. Dhib kala manu kulmin xadka itoobiya ee si nabad gelyo ah ayaan sudaan ku gaadhnay.laba caano maal markaan sudan joogay aniga iyo 3 ka mid ah dhalinyaradi gaar ahaan 2 hablood iyo wiil waanu si dhaafnay sudaan.waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu liibiya galno.

abbaaro labadii duhurnimo anagoo saxaraha marayna ,laakiin intiisa badan ka gudubnay ayaa gaadhigii laba taayir banjareen.waa wakhti kulul meeshuna waa saxare aad mooddo in qoraxdii soo dhawaatay.kulayl iyo omos ayaa na qabsaday.wax biyo ah mahaysano.wax gargaar ah sugi mayno waayo gaadhigu hal taayir ayuu haysta oo dheerad ah ,laakin mid ayaa ka dhiman. Arinku laba ayuu taagan yahay;inaan halka ku dhimano oo bahalaha saxaraha ku nool nagu alla-baryaan iyo in xagga alle gargaar nooga yimaaddo.waxaan goob joog u ahaa maalintaas dhimashada ilaa 7 ruux oo haraad u bakhtiyay iyo mid ay dileen nimankii gaadhiga watay ka dib markii ay murmeen.

werwer iyo baqdin ayaa I qabsaday.naxdin iyo walaac ayaa I shiday .waxaan mar walba is waydiinaya "maxaa ku soo watay?” laakiin waydiintaas eray-celin uma hayo waayo gurigayagii iyo dhulkaygii sabab la’aan ayaan uga imi.cidi ima soo eryin.gaajo kumaan qabin dhulkaygi.adoonsina ku maan jirin.

Dadka tahriibayaasha ah inta badan waa afrikaan. Afar qof ayaanu soomali ku nahay.laba waa hablo.qaar ka mid ah tahribayaashi ayaa bilaabay inay hablihii kufsadaan balse awood uma hayo aan ku difaaco,laakiin ku guulaystay inaan is hortaago oo aan dhib loo gaysan hablaha.

Abbaari 5;ooPM,ayaa siigo noo muuqatay meel fog ka soo kacaysa.waxaanu garanayn in gaadhi soosocdo.rajadii aan ka qabay nolosha ayaa igu soo laabatay.dareenka tahriibayaasha wixii noola ayaa soo laabtay,anigu markaa haraad ayaan tacbaan la ahay.waan ka quustay nolol,inta soomalida ah ee igu wehelisa socdaalka ayaan ugu daranahay,laakiin in yar ka dib gaadhigii ayaa soo gaadhay.dadkii gaadhiga la socday ayaan soomali badan ka helay oo biyo yar oo aan nafta ku soo celiyo ka helay,sidaas ayaanu ku soo dhaqaaqnay galabtaas oo liibiya ugu soo gudubaynay.

 

Markaan liibiya soo galay,waxaan ku fekerayay in xaalku wacnaandoono.rajo ayaa isoo gashay,kalsoonidii aan ku qabay inaan ka dhabayn karo yoolkayga ayaa i iftiintay ,laaakiin waxaan ogaaday inaan riyo maalmeel ku jiray waayo waxaan la kulmay wax aanan filayn.dhaqan iyo sawir marna aanay maskaxdaydu maala-awaalin.-burkama bahal kamaan filayn-.waxaan la kulmay ciqaab.waxaan kala kulmay liibiya silic iyo adoonsi.waxaan kala kulmay wax aan bani-aadam lagula dhaqmin .

laba todobaad ayaan gacanta ma’gafe ku jiray oo aan u xidhna aniga dad badan oo soomali ay ka mid yihiin.waxaan labadaa todobaad arkay oo aan marag ka ahaa wax aan maskaxda bani-aadamku sawiran Karin.qalbiguna suurayn Karin.gobonimada iyo xuquuqda aadamah ka baxsan.islaamnimada baal-marsan.

Maxaa dad sida xawaayaanka loogu shaqay sanayaa? Maxa dad si naxariis daro ah loogu tumanayaa? Maxa hablo gashaanti ah la faro xumaynayaa oo gol-qaniin lagu maalayaa? .ma soo koobi karo wixii aan arkay.kama sheekayn karo waxaan kala kulmay intii aan ma’gafe gacantiisa ku jiray.wareer ayaan maskaxda ka dareemayaa ,holoc ayaa qalbigayga ka shidmaya haddii aan soo xasuusto waayihi ma’gafe iyo dhaqankiisii.

Waxaan ogaaday intaan liibiya joogay qiimaha xoriyadda.waxaan dareemay macaanka iyo raaxada dhulkaaga hooyo.waxaan bartay inaanayn jirin meel ka wacan dhulkaaga iyo dalkaaga.waxaan ogaaday qof dhulshishe jooga inuu gunimo ku nool yahay.ilma yar ayaa sida uu doono kaa yeelaya.ku caayaya ,hadduu doono damaaciyaya waxaad haysato, lamana hadli kartid haddii aad gacan u qaaddana dadka oo dhan ayaa gacanta ku saaraya waayo ajaanib ayaad tahay dalkoodana umaad dhalan.intii aan liibiya joogay ma koobi karo waxaan la kulmay iyo waxaan goob jog ka ahaa.6 bilood ayaan joogay liibiya,wixii muddadaas igu dhacay weligay iguma dhicin.marmar ayaan ku fekeri jiray inaan dib u noqdo oo dalkaygii iyo dadkaygii u laabto laakiin haddana may dhicin inaan laabto.

Habeen ayaan ka baxay liibiya aniga iyo 90 qof oo soomali u badan.doon yar ayaan raacnay.dadku dusha ayay iska saaran yihiin.iga kac iyo iga durug ma leh.meel aad addin iyo lug ku kala bixiso ma jirto.waa habeen gudcur ah.mawjadaha biyaha ayaa doonta hadba dhinac kaga imanaya. Cirkii iyo baddi ayaa is ku midab noqday.naxdin iyo werwer ayaa qofkasta haysta.afar caano maal ayaan badda ku jirnay oo dabaylaha baddu hadba dhinac shukaanta noogu qabanayeen.caano maalkii shaanad ayaa markab taalyaanigu leeyahay noo soo gurmaday intayadii noolayd.90 qof ayaanu ku soo raacnay doonta 3o ayaa nolol ku galay talyaaniga intii kalena gaajo iyo haraad ayay u dhimatay.

Markaan talyaaniga galay waan farxay ,laakiin dib ayaan ka ooyay waayo mana dhiman mana nooli,waan maqanay cidna uma maqni, anna isuma maqni.

marba dal yurub ah ayaan gala haddana talyaaniga ayaa laygu soo celiyaa.ma shaqaynsan karo.ka ma bixi karo talyaaniga waayo faro ayaa layga qaaday.waxaan ku noolaado ayaan dawarsada gidaaradana hoy ayaan ka dhigtaa.bisadda iyo ey-ga talyaaniga jooga ayaa iga sharaf badan oo iga xuquuq badan.dhankasta waxaan seegay maalintaan waddankaygi ka imi.khayrkay ayaan ka hadhay.noloshii ayaan ka dhacay.

30 kii qof ee aanu yurub soo wada galnay,10 ka mid ah ayaa nolol wacan helay 20kii kale aniga ayay ila mid yihiin markaa qofka soo tahriibayaw ha qiimayn nolosha 10 kaas qof ee nasiibku u hiiliyay !.

bal eeg 20-kii kale dhibka haysta iyo nolosha ay ku nool yihiin,silica iyo darxumada ku haysata yurub!.




Qore;bashiir raacdeeye

Raacdeeye.1@gmail.com

Burco,somaliland,11/11/2014