Goormay Umadi Horumartaa:- W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
Monday November 17, 2014 - 17:44:04 in by salman abdi
  • Visits: 1924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormay Umadi Horumartaa:- W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

    Horumarku sidiisaba waa is bedel Nololeed, oo la arkayo iyo korniin muuqda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarku sidiisaba waa is bedel Nololeed, oo la arkayo iyo korniin muuqda,

waa habka ay is bedelayaan dhinacyada kala ah dhaqaalaha , aqoonta, diinta iyo inaad gaadhay halkii aad qorshaysay kuna gaadhay sidii aad u rabtay una qorshaysay…………………………………………….


Marka hore ILAAHAY BAA MAHAD LEH isagoo inoo suuro galiyay in aynu soo gudbino wixii aqoonteena iyo aragtideena ah intaa ka dib waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan siday cidkasta oo somaliland ah u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . 

iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaashaHorumarku waa mid umadkastaa iyo bulsho kastaaba rabto waa mid bulsho kastaa ku hesho wado gaara, sida aynu wada ognahay caalamku maanta waxa lagu tartamayaa sidee loo noqon karaa wadan horumar wanaagsan gaadhay oo wax soo saar iyo wax abuuris labada leh,


Horumarku sidiisaba waa is bedel wanaagsan oo la arkayo iyo korniin muuqda, waa habka isbedel ee dhinacyada kala ah dhaqaale ahaan , aqoon ahaa, diin ahaa, iyo inaad gaadhay halkii aad qorshaysay kuna gaadhay sidii aad u rabtay una qorshaysay.


Wadamada adduunku mid kastaa meel buu horumar ka gaadhay meeshaasina waa meel iskugu soo biyo shubanaysa sadexdan qodob ee kala ah DHUL, DAD, IYO WAKHTI tusaale ahaan haddii aynu ka hadlayo wadan horumarka ka gaadhay technology , technologiyadu sideedaba waxay ka timid dhulka korkiisa iyo hoostiisa waxaana laga sameeyay waxa dhulka dul saaran iyo waxa ku aasan mana jirto meel gaara oo ay tehcnologiyad ka soo baxdo waxaana ka soo saaray dad , dadkaasina waxay galiyaan wakhti iyo dadaal dabadeedna waxa soo baxay wax lagu qanacsan yahay.


Sadexda tiir ee umaddi ama bulsho ku horumari kartaa waa ka faa’ideysiga sadexdan qodob.

 

1: DADKOODA
2: DHULKOODA

3: WAKHTIGOODA



Waxanay uga Faaideysan karaan sidatan:———————————


1:Dadka:———————————
wadankasta haddii uu dadkiisu yihiin kuwo jecel horumarka iyo inay wadankooda wax kala soo baxaan waa ay horumari karaan , haddii wadankastaa haysto aqoon yahano leh aqoon dhaba wadankaasi waa wadan horumaray.
Haddii dadkiisu yihiin kuwo u diyaara isbedel horumarineed , Dadku waa waa darawalkii dunida loogu talo galay inay wax sameeyaan , waxna keenaan iyagoo kaashanaya ALLAH kana faa’ideysanaya dhulkooda iyo wakhtigooda dadkaasi waa dad horumaray.
2:Dhulka:———————————–
Haddii wadankastaa ka faaideysto dhamaan dhulkiisa iyo wixii dulsaaran oo dhan iyo wixii gudihiisa ku jira sida bada iyo berigaba wadankaasi waa wadan horumaray, oo gaadhay meel sare sida wadamada aynu maanta u aragto inay yihiin wadamada ugu qanisan caalamka, dhulkaaga waxa ku jira macdantii, shidaalkii, baddii, xayawaankii noockasta leh markaa midkasta oo aad Is leedahay waad ku wanaagsan tahay aad xooga saarto waad ka gaadhaysaa horumar waara sida SACUUDI UAE oo isagu xooga saaray inuu ka faa’ideysto shidaalka maantana waad aragtaa halkuu dhaqaale ahaan taagan yahay waa wadan ku dayasho mudan.


3:Wakhtiga:——————————–
dadkastaa haddii ay ka faa;ideytaan wakhtigooda oo ay qaybiyaan una qaybiyaan waxay qaban lahaayeen dadkaasi waa dad horumaray.
Wadankastaa wuxuu horumaraa marka uu ka faa’ideysto wakhtigiisa, wadanba wadankuu kaga faa’ido badan yahay wakhtigiisa wuu ka horumarsan yahay, wadanba wadankuu ka kaga badan yahay lumiska wakhtiga wuu ka sabool san yahay sida SOMALIA/ ETHOPIA oo dadkooda intooda badan ku lumiyaan wakhtigooda cunista maandooriyaha sida qaad iyo sigaar.
Hadaba marka aynu ka hadlayno wadankeena somaliland ma yahay mid ka faa’ideysta sadexdaa qodob ee muhiimka ah:–
1: DADKA:——-
waa ta koowaade dadkoodu intooda badani waa qaar ku mashquulsan cunis qaad iyo sigaar halka aqoontooda aanay ahayn tii saxda ahayn laakin ay u badan tahay mid THEORY AH laakin sidee looga faaideysan karaan , waa dadkaas oo hela hogaan ku haga horumar kuna haga aqoon , inay in wadankooda si gaara loo jeclaysiiyo.
Waa dadkaas oo ilaashada wakhtigooda iyo wax qabadkooda, kana shaqeeya dalkooda iyo naftooda noqdana kuwo ka fikira sidii ay keeni lahaayeen horumar ileen wadamadan maanta horumarka gaadhay DADBAA gaadhsiiyee.



2:DHULKA :——-
DHulka somaliland ma yahay mid looga faa’ideystay sidii la rabay jawaabtu waa maya, oo dhulkeenu waa mid hodana waana dhul buuxa kana muuxaan waxkasta oo dhul hodan ah leeyahay dhulkeena wixii ka sareeyay iyo wiixi ku jirayna midna lama taaban lagamana faa’ideysan 24 sano oo aynu haysanayn Nabad aan kala go. lahayn.
dhulkeenii waa aynu xagaafnay oo baabiinay,xayaawaankeenii maynaan daysan oo waynu erinay oo waa uu firdhay, badeenii waay ay buuxdaa waxaanay noqotay meel lagu daadiyo qashinka caalamka, waxa intaas dheer dhulkeena waxa ku socda xaalufin iyo gumaad xayawaan Waxaanu u sabab ah cida ku nool ee sheeganaysa.


3: WAKHTIGA,:——–
Wakhtigeena ugu badani wuxuu ku baxaa MAKHAAYAD marka aynu ka hadlayno somaliada inteeda badan iyo qaad iyo sigaar waxa kale oo uu ku baxaa sheeko iyo ciyaar aan la garanayn meel guusheedu taalo, wakhtigu waa tiirka ugu qaalisan ee horumarka.
umadi waxay horumartaa marka ay wakhtigeeda qaybiso kuna qaybiso waxqabad saxa oo dadka iyo dalkaba anfacaya.
laakin somaliland iyo somalia oo dhanba wakhigoodu wuxuu ku dhamaadaa fadhi iyo sheeko waana sababta aynu ilaa hada la socon kari la,nahay una gaadhi la,nahay qayrkeen.



F.g
Isku darka sadexdan DAD,DHUL,WAKHTI waa horumarka Qofkasta, wadankasta waa se haddii sideeda looga faa’ideysto.



Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Email: farxaanmxd@gmail.com
TELL: 252263–4400319



Berbera
Face book: Rakad mxd sultan
Skype: Farxaan.mxd
Social activist
Post number: 131