Kubad Bur Buriyaha Man City Fernando Oo Aaminsan In Chelsea Hoos U Dhac Soo Wajihi Doono Premeirship-ka England

0
Wednesday November 19, 2014 - 09:31:44 in by Burco Office
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kubad Bur Buriyaha Man City Fernando Oo Aaminsan In Chelsea Hoos U Dhac Soo Wajihi Doono Premeirship-ka England

    Laacibka khadka dhexe ka ciyaara kooxda Man City Fernando ayaa aaminsan in lasoo gaaray xiligii kooxda Chelseay dhibco dheeraad ah lumin laheyd Premiersip-ka England.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka khadka dhexe ka ciyaara kooxda Man City Fernando ayaa aaminsan in lasoo gaaray xiligii kooxda Chelseay dhibco dheeraad ah lumin laheyd Premiersip-ka England.


Fernando-Manchester-City


Inkastoo Chelsea weli xili cayaareedkan wax guuldaro ah la kulmin EPL sidoo kalena ay dhibco badan ka sareyso kooxaha ku awooda ah.

Hadana Fernando ayaa ku kalsoon in kooxdiisa ay Chelsea soo qaban karto wax walbo oo ay ku qaadato inta ka harsan xili cayaareedkan.

"Waan ognahay in horyaalka England uu yahay horyaal dhib badan, dabcan waa run Chelsea haatan waa kooxda ugu wanaagsan EPL balse midaas kama dhigno inay jawi wanaagsan isaga sii jiri doonto”

"Anagaba marar badan ayaan dhibaato la kulanay xili cayaareedkan waana ku faraxsanah ilaa haatan kaalinta aan taaganahay, madaama xili cayaareedka weli fari ka qodneyn waan hubaa in Chelsea markeeda siweyn u sibxan doonto!”

Waxaad moodaa in Fernando uu fahmay dagaalka dhanka maskaxda ah oo ay isku qaadaan macalimiinta iyo xidigaha Premiership-ka England sidaa darteed laacibka reer Brazil ayaa aaminsan in hadalkiisa kasoo yeeray uu ku sababi karo Chelsea inay qal qal sameyso kulamada ugu soo horeeyo EPL oo ay cayaari doonto.


contact@afkashacabka.com