Taariikh Nololleedkii Maxamed Saleebaan Tubeec Iyo Tirada Carruurta Uu Ifka Kaga Tagay, wiil uu dhalay marxuumku iyo walaalkii jamac saleban oo ka warramaya

0
Wednesday March 12, 2014 - 15:11:15 in by Super Admin
  • Visits: 2051
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololleedkii Maxamed Saleebaan Tubeec Iyo Tirada Carruurta Uu Ifka Kaga Tagay, wiil uu dhalay marxuumku iyo walaalkii jamac saleban oo ka warramaya

    Taariikh Nololleedkii Maxamed Saleebaan Tubeec Iyo Tirada Carruurta Uu Ifka Kaga Tagay, wiil uu dhalay marxuumku iyo walaalkii jamac saleban oo ka warramaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikh Nololleedkii Maxamed Saleebaan Tubeec Iyo Tirada Carruurta Uu Ifka Kaga Tagay, wiil uu dhalay marxuumku iyo walaalkii jamac saleban oo ka warramaya Taariikh Nololleedkii Maxamed Saleebaan Tubeec Iyo Tirada Carruurta Uu Ifka Kaga Tagay, wiil uu dhalay marxuumku iyo walaalkii jamac saleban oo ka warramaya

 

Alle ha u naxariistee, Fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed, Maxamed Suleebaan Tubeec, ayaa shalay ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Jarmalka oo uu muddo ugu jiray xanuun soo wajahay.

Marxuum Tubeec ayaa muddo ugu jiray cisbitaalka uu ku dhintay, waxaana la sheegay in Marxuumku geeriyooday ka dib markii lagu sameeyay qalliin xal loogu raadinayey xiddid ka furmay sanbabada mid ka mid ah, waxaan la sheegay in qalliin hore oo lagu sameeyay lagu guuleystay, balse qalliin labaad oo lagu sameeyay uu ku geeriyooday.


Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec, oo Soomaalidu u taqaanay boqorka codka, ayaa ku geeriyooday da’da 73 jir, waxaanu ifka kaga tagay ilaa 30 ruux, marka la isku daro wixii uu dhalay iyo carruurta ay sii dhaleen.


Ismahan Maxamed Saleebaan oo ka mid ah carruurta uu dhalay, ayaa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, uga warantay xaaladdiisa ka hor intii aanu geeriyoon iyo qalliinadii lagu sameeyay ee sababta looga soo dhigay.

"Wallaal xaaladdiisu waxay ahayd mar mar ayuu dhiig tufayey (Ka hor Geeridiisa), markii dambana dhakhaatiirta Norway iyo Denmark waxba ma qabtid ayay yidhaahdeen, laakiin isaga ayaa yidhi haddii dhiiggani soo noqnoqonayo Jarmalka ayaa tagayaa, annaguna waxaanu filaynay in daawo uun loo qorayo oo uu soo noqonayo, laakiin haddii wakhtigu dhamaado cidna ma soo celin karto, markaa tii Alle ayaa timid”

Ismahaan, waxa kale oo uu sheegtay "Waxayna ku sameeyeen laba qaliin, qaliinkii koowaad way ku guuleysteen, dabadeedna qalliin labaad ayaanu ku samaynaynaa ayay yidhaahdeen markii ay ku arkeen dhiig uu tufayo, dabadeedna kii dambe ayuu ku tagay, geeriduna waa Xaq, waana qoraalkii Alle” ayay tidhi, waxayna intaasi ku dartay "Maxamed Saleebaan Tubeec, Wuxuu dhalay 7 qof, afar wiil iyo saddex gabdhood, ciyaalkii ay sii dhaleenna waa ilaa 30”

Jaamac Saleebaan Tubeec, oo ay Marxuumka walaalo ahaayeen, ayaa isaguna isagoo ku sugan Magaalada Berbera, waxa uu si kooban uga hadlay taariikhda Marxuumka, waxaanu yidhi "Wuxuu ku dhashay gobolka Saaxil, Tuulada Laalays la yidhaahdo 1941-kii, wuxuu ku soo barbaaray Berbera, oo uu Qur’aanka ku bartay, waxaanu fanka bilaabay 1959-kii.”

"Dhakhaatiirta Jarmalka ayaa yidhi Xiddid-baa ka furmay sanbabka oo waanu qalaynaa, wayna ku guuleysteen qalliinkii koowaad, koomadiina wuu ka soo baxay oo laba maalmood ayuu iska caadi ahaa oo iska tukanayey, annigana si fiican iila soo hadlay, dabadeedna dhiig kale ayay ku arkeen, markaasay yidhaahdeen xiddidkiibaa furmaye mar kale ayaanu qalaynaa, qallinkaas-na kama soo noqonba..”ayuu yidhi.

Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec, oo ka mid ahaa Fanaaniinta ugu caansan bahda fanka Soomaalida, Bahda afkashacabkamedia meel kastoo ay joogaan waxay tacsi tiiraanyo leh  u dirayaa qoyskii, asxaabtii iyo umadda soomaaliyeed oo dhan ee fanaankani ka baxay Inalilaahi waa inaa ileyhi raajicuun............





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com