Hordhac: SS Lazio vs Juventus – Bianconerri Oo Dooneysa Iney Dheereysato Hogaanka Serie A-da

0
Saturday November 22, 2014 - 10:19:10 in by salman abdi
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: SS Lazio vs Juventus – Bianconerri Oo Dooneysa Iney Dheereysato Hogaanka Serie A-da

    Kooxda SS Lazio ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa hogaamiyayaasha horyaalka ahna difaacdayaasha Serie A-da Juventus xili kooxda ka dhisan caasimadda ay dooneyso iney kasoo kabato guuldaradii kasoo gaartay Empoli todobaadkii ugu dambeeyay horyaalka tal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda SS Lazio ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa hogaamiyayaasha horyaalka ahna difaacdayaasha Serie A-da Juventus xili kooxda ka dhisan caasimadda ay dooneyso iney kasoo kabato guuldaradii kasoo gaartay Empoli todobaadkii ugu dambeeyay horyaalka talyaaniga.



ss


Wiilasha Stefano Pioli ayaa si xun ku bilaabay xili ciyaareedkaan markii afartii ciyaarood ee ugu horeysay ay sadex kulan guuldaro la kulmeen, balse wey kasoo kabteen oo lix kulan oo xiriir ah ayey guul gaareen taasoo ka dhignaatay iney kusoo laabteen sidii cadiga aheyd waxaase sheekada ka qasay Empoli oo iyagoo marti ah 2-1 kusoo garaacday kulankii ugu dambeeyay.

SS Lazio haatan waxey fadhisaa booska 5-aad ee horyaalka, waxeyna 9-dhibcood ka hooseysaa Juventus oo hogaanka u heysa horyaalka Serie A-da, walow ay sidoo kale xusid mudan tahay in laga dhaliyay 13-gool.

Dhanka kale Wiilasha Massimiliano Allegri ayaa ah kuwo xoog badan leh waxeyna kaliya la kulmeen hal guuldaro tan iyo bilowga horyaalka markaasna waxaa 1-0 ku xaaqay Genoa bishii lasoo dhaafay.

Si Kastaba Juvnetus kulankii ugu dambeeyay waxey garoonkeeda cashir lama iloobaan ah ugu dhigtay kooxda Parma markii ay ku garaaceen 7-0, waxeyna goolashaas kaga mahad celineysaa Fernando Llorente, Carlos, Tevez, Alvaro Morata iyo Stephan Lichtsteiner.


Juventus waxey haatan ka sareysaa Roma oo kusoo xigta sadex dhibcood, balse caawa waxey wajaheysaa walaasheed ay isku magaalada yahiin waana kulan cabsi badan leh.

Kulankii ugu dambeeyay oo ay labada kooxood ku ciyaareen garoonka Olympico wuxuu ku idlaaday 1-1, wuxuuna kulankaan kusoo aaday xili Buffon iyo Cheillini ay kooxda heshiisyo cusub ku abaalmarisay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

SS LAZIO:

Berisha; Braafheid, Cavanda, Ciani, De Vrij; Parolo, Biglia, Mauri, Lulic, Candreva; Djordjevic

JUVENTUS:

Buffon; Chiellini, Lichtsteiner, Bonucci, Romulo; Marchisio, Pogba, Padoin; Pereyra, Llorente, Tevez


 
contact@afkashacabka.com