Manchester City Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Swansea City Iyo Yaya Toure Oo Markale Badbaadiyay

0
Saturday November 22, 2014 - 21:11:09 in by Burco Office
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Swansea City Iyo Yaya Toure Oo Markale Badbaadiyay

    Kooxda Manchester City ayaa gurigeeda guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Swansea oo gool uga hormartay, Jovetic iyo Yaya Toure ayaa City u horseeday inay saddexda dhibicood Etihad Stadium kaga reebato kooxda Swansea city.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester City ayaa gurigeeda guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Swansea oo gool uga hormartay, Jovetic iyo Yaya Toure ayaa City u horseeday inay saddexda dhibicood Etihad Stadium kaga reebato kooxda Swansea city.



toure2


Manchester City oo ay xaaladu ku xumayd kulamadkii ugu danbeeyay, ayaa kulankan Swansea city isku diyaarinaysay inay ka dhigato mid ay dib ugu soo laabto qaab ciyaareedkii lagu yaqaanayay. City ayaana Etihad Stadium ku soo dhawaysay kooxda Swansea City oo kalsooni wayn ku soo booqatay kadib markii ay kulankii hore dhulka la gashay Arsenal.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag isla markaana ay labada kooxood xamaasad badan ku bilawdeen ayay daqiiqadii 9 aad Swansea City goolka ku hormartay , waxaana goolkaas oo aad u qurux badnaa u saxiixayWilfried Bony. Bony ayaa kubbad uu ka helayDyer inta uu laabta ama xabadka ku dajistay si fiican kooxdiisa goolka furitaanka ugu dhaliyay isaga oo natiijada ciyaarta u badalay 1:0 ay Swansea ciyaarta hogaankeeda kula wareegtay.bony

Manchester City ayaana goolka looga hormaray si deg deg ah uga jawaabtay , waxayna dadaal badan kadib goolka barbaraha la timid daqiiqadii 18 aad, waxaana goolka barbaraha City u dhaliyay Steven Jovetic. Yaya Toure ayaa kubbad fiican u soo dhigay Navas, kaas oo isaguna kubbada u soo tuuray Jovetic oo goolka Swansea City ku horsugaayay, sidaana wuxuu ku soo celiyay goolkii looga hormaray, ciyaarta ayaana isku badashay barbaro 1:1 ah.Jovetic

oo ay Man City qaybtii hore ee ciyaarta ay gacanta sare lahayd isla markaana ay kubbada inta badan iska haysatay ayay haddana qaybtii hore ee ciyaartu ku soo dhamaatay barbaro 1:1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Man City ciyaarta ku soo laabatay iyada oo dardar horleh ku socta, waxayna daqiiqdii 62aad goolka ay hogaanka kula wareegtay u dhaliyay Yaya Toure. kubad qurux badan oo ay wada ciyaareen Fernandinho iyo Toure ayaa keetay inuu ugu danbayn Toure kooxdiisa City hogaanka u dhiibo, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Man City hogaanka ciyaarta kula wateegtay.Toure

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2:1 ay Man City guusha ku gaadhay. City ayay guushani u ahayd mid aad ugu muhiim ah kadib markii ay soo martay todobaadyo ayna qaab ciyaareed fiican ku jirin, waxaana guusha u horseeday Yaya Toure oo u dhaliyay goolka guusha. 

contact@afkashacabka.com