BOOLISKA OO IS HORTAAG KU SAMEEYAY NIN DOONAAYAY IN UU GUUSRSADO GABAR 8 SANO JIR AHAYD (DAAWO SAWIRADA)

0
Sunday February 02, 2014 - 20:16:45 in by Super Admin
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BOOLISKA OO IS HORTAAG KU SAMEEYAY NIN DOONAAYAY IN UU GUUSRSADO GABAR 8 SANO JIR AHAYD (DAAWO SAWIRADA)

    Ciidamada Booliska ee Wadanka Yemen, ayaa is hortaag ku sameeyay nin doonaayay in uu guursado gabar 8 sano jir ahayd, oo uu adeerkii dhalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Ciidamada Booliska ee Wadanka Yemen, ayaa is hortaag ku sameeyay nin doonaayay in uu guursado gabar 8 sano jir ahayd, oo uu adeerkii dhalay.
Dhacdadaan, ayaa ka dhacday Gobolada Waqooyi ee Yemen, ka gadaal markii gabadha adeerkeed (Aabaheyd la dhashay), uu qabsoomida guurka uu ku wargeliyay Saxaafada, taasoo keentay in ay ka dhiidhiyaan Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee ka hawlgala dalkaasi Yemen.

Booliska, ayaa gaaray gurigii uu ka soconaayay arooska Ifthikar, waxayna halkaasi ka kaxeeyeen Ifthikar iyo hooyadeed, oo awalba ka soo horjeeday guurka gabadheeda.

YasserAbbad oo ka mid ah Suxufiyiinta Deegaanka, ayaa sheegay in hooyada dhashay gabadha 8 sano jirka ah, uu saygeedu ugu caga jugleeyay in uu dalaaqi doono, haddii ay guurka kahor timaado.

Ciidanka Booliska, ayaa xabsiga dhigay aabaha dhalay gabadhaan, inkastoo ay lix cisho kadib dib xoriyadiisa u siiyeen, markii uu balanqaaday inaanu gabadhiisu bixin doonin, ilaa iyo inta ay ka qaan-gaareyso.

Ifthikar waa 8 sano jir dhigata Dugsiga Hoose, wax badana kama aysan garanayn in la gaaray xilligeedii guurka iyo in kale, sida uu ku waramaayo Yasser Abbad.

Gabadha ninka laga soo celiyay, ayaa waxaa la sheegay in uu furtay adeerkeed, oo si weyn kaga horyimid in gabadha uu adeerka u yahay loo dhiso guri, xilli aysan qaan-gaarin.