Fadhigii Golaha Wakiilada Ee Maanta Oo Cod Aqlabiyada Lagu Meel Mariyay Kal Fadhigooda 26- Ee Golaha.

0
Tuesday November 25, 2014 - 22:36:55 in by salman abdi
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhigii Golaha Wakiilada Ee Maanta Oo Cod Aqlabiyada Lagu Meel Mariyay Kal Fadhigooda 26- Ee Golaha.

    Xildhibaanadda Golaha wakiilada Somaliland waxa ay fadhigoodii maanta ku ansixiyeen ajandaha kal fadhiga 26-tanaad ee Golahaasi wakiilada kaas oo ay ku meel mariyeen cod gacantaaga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanadda Golaha wakiilada Somaliland waxa ay fadhigoodii maanta ku ansixiyeen ajandaha kal fadhiga 26-tanaad ee Golahaasi wakiilada kaas oo ay ku meel mariyeen cod gacantaaga,


 


markii uu soo buuxsamay kooramka fadhiga maanta oo uu shirgudoominayey Guddoomiyaha Golaha wakiilada mudane C/raxamaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa xildhibaanadu cod aqlabiyada waxa ay ku ansixiyeen kalfadhiga golaha waxana codgacantaaga ku meel mariyay 47-afartan iyo todoba mudane halka ay 2-laba mudane didiin cid ka aamstayna may jirin gudoomiyha goluhuna muu codaynin sidaasna waxa meel mar ku noqday ajandaha kal fadhiga 26-lix iyo labatanaad ee Golaha wakiilada Jamhuriyadda Somaliland,


Xildhibaanada ayaa ku kala feker duwanaa ansixinta kal fadhigaas waxana laba qaybood oo kamida golaha ay soo jeediyeen in duudub lagu meel mariyo qodobada kalfadhiga, halka kuwa kalena soo jeediyeen in dood laga galo, balse ajandahaasi ayaa si aqlabiyada ku dhaqan galay, Geestiisana Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mr Cirro ayaa xildhibaanada u sharaxay sida ay u kala horeyaan ee loga shaqa gelaayo qodaba uu ka kooban yahay kal fadhiga 26-tanaad ee Golaha.  



Contact@afkashacabka.com