Haweenwaynaha Reer Hargaysa Oo Taageero Mug Leh U Muujiyay Murashaxa Golaha Wakiilada Aqoonyahan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) + Sawiro

0
Wednesday November 26, 2014 - 21:55:50 in by salman abdi
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenwaynaha Reer Hargaysa Oo Taageero Mug Leh U Muujiyay Murashaxa Golaha Wakiilada Aqoonyahan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) + Sawiro

    Haween waynaha reer Hargaysa ayaa taageero mug leh u muujiyay Murashaxa Doorashoyinka Golaha Wakiilada Aqoonyahan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ah xoghayaha guud ee xisbiga ucid .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haween waynaha reer Hargaysa ayaa taageero mug leh u muujiyay Murashaxa Doorashoyinka Golaha Wakiilada Aqoonyahan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ah xoghayaha guud ee xisbiga ucid .


Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ahaydna mid ilyartu is qabatay oo ay soo buux dhaafiyeen haweenka reer Hargaysa ayaa xalay ka qabsoontay Dalxiis Hotel ee magaalada Hargaysa taasoo ay taageero loogu muujinayay murashaxa la isku raacay ee murashax Cabdi Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo u tartami doona doorashooyinka wakiilada ee kaabiga innagu haysa .

PICT0250PICT0244

Waxaana ujeedada xafladda loo qabtay ay daarnayd sidii loo muujin lahaa taagerada xoogan ee ay u hayaan murashaxooda iyo in la isku wacyi galiyo qaadashada kaadhka muwaadinnimo .

PICT0253

Ugu horeen waxaa xafladda ka Hadlay Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Beesha Cidagle Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir waxaanu ku dheeraaday qiimaha ay leedahay isku duubnaantu isago carrabka ku adkeeyay in murashax cabdi naasir qodax yahay murasha la isku raacay loona baahanyahay in la wada barbar istaago .

PICT0258

Waxaa uu sidoo kale caaqilku soo qaaday diinwaangalinta waxaanu ku booriyay bulshada ku dhaqan Hargaysa iyo deeganada kale in la is diinwaangaliyo isla markaasna uu qof kastaaba uu qaato kaadhka muwaadinnimo .

PICT0259

Oday cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in ardaagu isku raacay Muashax cabdi Naasir Qodax isla markaana loo baahanyahay bu yidhi in la wada garab istaago maadaama uu yahay murasha la isku raacay .

PICT0265

Oday cabdi ayaa sidoo kale kula dardaarmay haweenkii xaflada ka soo qeyb galay in ay qaataan kaadhka diinwaangalinta oo uu ku tilmamay in uu yahay ka la isku muquuninayo ee lagu kala baxay marka doorashada .

PICT0266

Waxaa iyana halkaasi ka hadashay Sahra Xirsi Guuleed oo ku hadlaysay afka haweenka waxaanay tilmaantay in ay murashaxa garab taaganyihiin isla markaana ay soo saari doonaan sidii ay u soo saareen labadi murashaxa ee ardaagani iska soo sharaxay immikana ah xildhibaanno ka tirsan golayaasha qaranka waxaanay sidoo kale ku tilmaantay Murashax Cabdinasir Qodax in uu yahay ninka kowaad ee xisbiga ucid waxaanay tidhi " Cabdinaasir waa ninka kowaad ee xisbiag ucid in uu yahay nin cilmigiisa iyo caqligiisa iyo diintiisuba ay sax santahay anigoo aan is lahayn cabdi naasir wuu ku ag jooga 12 sanno ayaanu wada shaqeenaynay waa shakhsi ilaahi abuuray uu dheelli tiray oo aan ku kalsoonahay in uu yahay nin dalka . diinta iyo dadkaba anfacayaa ” Ayay Tidhi Sahra Xirsi Guuleed .

PICT0274

waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Ardaaga Uu Ka Soo Jeedo Murashaxu Caaqil Mustafe Girgire waxaanu hoosta xariiqay in Murashax Cabdi Naasir Qodax yahay ninka ay reerku isku raaceen waxaanu ka digay in cidi iska daba sharaxdo Cabdi Nasir Qodax waxaanu yidhi " Immika cabdinaasir ayaa inoo sharaxan oo uu reerku isku raacay rag iyo dumarba dhalasho iyo dhaxdinba . anigu waxaan idinka codsanayaa in aydaan maqal oo aydaan laabta u furin cid kastoo ka daba timaadda Cabdi Naasir Qodax sidaasaan idinka codsanayaa cidda codka ayduun siinaysaaan waa inanka cabdinaasi Qodax ”

 

PICT0278

Waxaa gunaanadkii xafladda soo af meeray murashaxa doorashooyinka golaha wakiilada Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) waxaanu u mahadnaqay hawenwaynaha sidii ay uga soo qeyb galeen kulankani waxaanu tilmaamay in kulankani uu yahy mid loogu gogol xaadhayo hawsha baaxadda leh ee soo socota ee la xidhiidha u diyaar garawga doorashada waxaanu intaasi ku daray oo ku dardaaray hawenkaasi in ay qaataan Kaadhka Muwaadinnim waxaanu yidhi " Kaadhak diinwaangalinta waa in ayduun qaadataan aniguna barbarkiina iyo taageeradiina iyo taladiina iyo codkiinaba waan idinka rajeenaya haddu alle idmo ” Ayuu Yidhi Murasha Cabdi Naasir Qodax Oo Ah Murashax U Taagan Doorashooyinka Golaha Wakiilada Waana Murashax Ay Isku Raaceen Ardaaga Uu Ka Soo Jeedo .

PICT0282

Si kastaba ha ahaate xafladdan oo ahayd mid taageero loogu muujinayay murashaxa la isku raacay Aqoonyahan Cabdi Naasir Qodax Oo Ah Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid .

PICT0286

Contact@afkashacabka.com