Khilaafkii ugu foosha xumaa oo Taliyaha Booliiska Saldhiga Qudhac-dheer kula kacay Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Hargeysa

0
Thursday March 13, 2014 - 21:31:40 in by Super Admin
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafkii ugu foosha xumaa oo Taliyaha Booliiska Saldhiga Qudhac-dheer kula kacay Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Hargeysa

    khilaafkii ugu foosha xumaa oo taliyaha booliiska saldhiga qudhac-dheer kula kacayguddoomiyaha- maxakamadda gobolka hargeysa iyo ciidamo ay kala wateen oo isku dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

khilaafkii ugu foosha xumaa oo taliyaha booliiska saldhiga qudhac-dheer kula kacayguddoomiyaha- maxakamadda gobolka hargeysa iyo ciidamo ay kala wateen oo isku dhacay

falkii ugu foosha xumaa ayaa shalay Gil-gilay Maxkamadda Gobolka Hargeysa kadib markii Taliyaha Saldhiga Qudhac-dheer Axmed Dacawo diiday Amar uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal C/laahi Ismaaciil (Dhaga-dhago) ku amray in uu Damaand ku sii daayo Ganacsade la yidhaahdo Maxamed Axmed Geelle (Gaa-gaab) kaasoo kaalin shiidaal ku haysa agagaarka Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali ama (Gacanta).


Amar diidada Taliyaha saldhiga Qudhac-dheer ku sameeyey Amarka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka ayaa shalay sababtay markii Maxkamadda la horkeenay ninka ganacsadaha ah in uu Guddoomiye Faysal C/laahi Ismaaciil Maxkamadda horteeda ka sii daayo, taasoo uu markale Taliye Axmed Dacawo diiday in uu fuliyo taasoo sababtay in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Booliiska amro in la xidho Taliyaha, laakiin Booliiskii goobta joogay ayuu Taliyaha saldhigu Amray in aanay taaban Karin, taasoo hadana sababtay in Guddoomiyuhu Amarka Xadhigiisa siiyo Booliiska Gaarka u ah Maxkamadda.

 

Booliiskii Goobta joogay ayaa kala saftay isla markaana qoladii Taliyuhu watay iyo kuwii kale ayaa hanjabaad iyo dagaal af-ka ahi dhex maray, iyagoo kuwii Taliyaha ilaalinayey ay diideen in la xidho, dhacdadan oo gaadhay marxaladii ugu xumayd oo ka dhex dhacday Maxkamadda Dhexdeeda ayaa shalay Dadweynihii goob jooga u ahaa ku abuurtay Yax yax iyo amakaag kadib markii ay cakirantay xaaladda Maxkamadda oo aanay markaas rasaastu af-ka qoryaha ka bixin uun.



Dhacdadan dhex martay Taliya Axmed Dacawo iyo Guddoomiye Faysal dhaga dhago ayay Dadweynihii Goobta joogay ku biireen dhinaca Garsoorka, waxaanay Xoog kaga fur fureen Ganacsadihii ay haysteen, iyagoo Booliiska ugu hanjabay haddii Go’aanka Maxkamaddu socon waayo in aanay iyana Dirayska xidhnaan doonin, waxaanay Ganacsadihii ku soo xareeyeen gudaha Maxkamadda iyagoo uga dhaartay in ay kaxaystaan.

 

Dad goob joog ahaa ayaa noo  sheegay in goor danbe uu soo gaadhay xarunta Maxkamadda Gobolka Hogaanka Hawl-gelinta ciidanka Booliiska Gaashaanle sare Maxamed Ducaale Cali kaasoo kulan albaabada uu u soo xidhay la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka iyo Taliyaha Saldhiga Qudhac dheer, hase yeeshee war faahfaahsan lagama helin kulankooda wixii ka soo baxay.

 

Ilo wareedyo goob joog ka ahaa dagaalka dhex maray Taliyaha iyo Guddoomiyaha ayaa sheegay in Taliyihii Saldhiga Qudhac-dheer iyo Ciidankiisii ka huleeleen Maxkamadda iyagoo fara madhan, hase yeeshee warar kale oo dheeraad ah oo anu  ka heshay dad u dhuun daloolay dhacdadan ayaa sheegay in Booliisku Suuqa ka kaxaysteen nin ay Ganacsadaha walaalo yihiin oo la yidhaa Siciid Axmed Geelle, kaasoo ay u haystaan walaalkiisa Maxkamaddu ka sii daysay.

 

Dhinaca kale, warar Hoose oo anu  ka helnay bahda Garsoorka ayaa sheegaya in ay arrintani aad uga cadhaysiisay isla markaana Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa uu qorshaynayo Dacwad ka dhan ah Taliyaha uu uu u gudbinayo Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda Qaranka si ay usoo xidhaan Taliyaha saldhiga Qudhac-dheer ee diiday Amarka Maxkamadda, isla markaana ka abuuray xasilooni darada.

 

Wararka dheeraadka ah ee anu  ka helnay khilaafka Taliyaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegaya in uu la xidhiidho dhacdo Tuugo ah oo ka dhacday Kaalin shiidaal oo uu leeyahay Gancsadaha maxkamaddu sii daysay kaasoo mid ka mid ah shaqaalihii uga shaqaynayey kaalintu ka xaday lacag, talaabadaas oo qaar kale oo isla shaqaaluhu inta ay ka shakiyeen iyagoo qori sita la tageen masalaha, kadib markii ay u hanjabeena uu qirtay.tuugadaasi.

 

Dhacdadaas ay sameeyeen shaqaalaha Kaalintu ayaa dhamaantood loo wada xidhay kii xaday iyo kuwii qoriga ku qabtayba, hadana waxa ay Booliisku xidheen Mulkiilaha Kaalinta iyagoo ku haysta qorigii lagu qabtay ninka iyo Moobilkiisiiba in uu keeno, balse qaar ka mid ah Ehelada oo dhex galayey ayaa Maxkamadda ka dalbaday si uu u keeno waxa laga doonayo in ay damaanad ugu sii daayaan, taasoo markii ay Maxkamaddu ka aqbashayna Taliyaha Saldhiga Qudhac-dheer ku diiday.

 

 

Diidmada Taliyaha Booliiska ayaa u muuqda mid taageero ka haysta Saraakiisha ka saraysa ee Booliiska, iyadoo Amar diidadiisu ku soo hagaagayso maalmo yar uun kadib markii wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland si toos ah u diiday fulinta Dacwadaha Garsoorka ka soo dhamaada kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo ay ku arkeen cadaalad darro, iyadoo sidoo kale-na wasiirka Arrimaha guduhu ka hor ku-xigeenkiisa ku Eedeeyey Garsoorayaasha Laaluush in ay ka qaataan Dadweynaha waxay doonaana xukumaan.

Madaxweyne Siilaanyo oo ah masuulka ugu sareeya Dalka ayaan waxba ka qaban khilaafka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Garsoorka, iyadoo ta kaga sii daran Garsoorku ay tahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Garabka saaray Xukuumadda halkii uu kala safan lahaa Guddoomiyayaashiisa Maxkamaddaha Hoose.




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com