Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Oo indha indhayna iyo Socdaal Wacyi-galin Ah Ku Tagay Gobolka Gabiley.

0
Thursday March 13, 2014 - 21:57:24 in by Super Admin
  • Visits: 1470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Oo indha indhayna iyo Socdaal Wacyi-galin Ah Ku Tagay Gobolka Gabiley.

    Wafti Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Eng: Cabdilaahi Ismaaciil Faarax , Oo Ka Kooban Masuuliyiinta Hayadda Adra Iyo Saraakiil Ka Mid Ah Wasaarada Beeraha Ayaa Manta Socdaal Wacyigalin Ah Ugu Baxay Gobolka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Eng: Cabdilaahi Ismaaciil Faarax , Oo Ka Kooban Masuuliyiinta Hayadda Adra Iyo Saraakiil Ka Mid Ah Wasaarada Beeraha Ayaa Manta Socdaal Wacyigalin Ah Ugu Baxay Gobolka Gabiley .

Waftiga Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Ujeedada Socdaalkoodu Waxay La Xidhiidhay U Diyaargarowga Xili Roobaadka , Isla Markaana Waxay Shan Tuulo Oo Ka Tirsan Gobolkaasi Gabiley Ay Gaadhsiiyeen Qalabka Beeraha  Ee Gacanta Lagaga Shaqeeyo, Siidh. ,Moosas Loo Xidhayo  Iyo Saacado Qodaal Ah Oo Lacag La’aan Ah .

Tuulooyinkaasi Waxaa Ka Mid Ah Galaada, Ceel Giniiseed, Qudhaco, Kama Sure, Iyo Dhul Beereedka  Dooxaha Agamsaha .

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Eng: Cabdilaahi Ismaaciil Faarax Ayaa Kula Dar-Daarmay Beeralayda Shantaasi Tuule Ee Gobolka Gabiley Inay Ka Faaiidaystaan Deeqdan Isugu Jirta Qodaalka Beeraha , Xidhitaanka Biyaha , Abuurka , Iyo Qalabka Gacanta Lagaga Shaqeeyo Ee Beeraha , Si Looga Baxo Cunto Yaraanta Oo Looga Faaiidaysto Khayraadka Dhulkeena .

Agaasimaha Guud Waxa Uu U Mahadceliyay Hayyadda Adra Oo Gacan Ka Gaysatay Deeqdan , Lagu Caawiyay Dhulbeeralayda Gobolka Gabiley .

Beeralayda Deegaankaasi Ayaa Iyaguna Uga Mahadceliyay Deeqdan Wasaarada Beeraha Iyo Hayadda Adra  iyaga oo ku tilmamay in tahay mid ay uqabeen baahi wayn.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com